Maaha Xavi!! – Tababaraha Dookha Koowaad U Ah Barcelona Oo Shaaca Laga

Idaacada RAC1 ee ree Catalonia ayaa sheegaysa in madaxweynaha cusub ee kooxda Barcelona ee Joan Laporta uu xidhiidh la sameeyay tababaraha ree Germany ee Hansi Flick.

Sida RAC1 xusayso, Flick ayaa ah tababaraha hoggaaminaya inuu Barcelona la wareego kahor xilli ciyaareedka dambe isla markaana ay wada hadleen Laporta oo u sheegay inuusa qaban shaqada xulka qaranka Germany.

Imaatinka tababaraha ree Germany ayay macquul tahay inay saamayso mustaqbalka xiddigo waaweyn oo kooxda ah sida Gerard Pique, Sergio Busquets, Jordi Alba iyo Sergi Roberto.

Sidoo kale waxaan la hubin mustaqbalka hoggaamiyaha kooxdaas ee Lionel Messi kaas oo ku dhawaad sanad kahor sheegay inuu doonayo inuu kooxda iskaga tago.

Dhawaan ayay ahayd markii Mr Laporta uu sheegay in wakhti ay kasoo gudubtay Barcelona isla markaana laga bilaabo toddobaadka dambe ay gaadhi doonaan go’aano xidhiidh ah oo ay dib ugu dayac-tirayaan kooxda.

Hadalka kasoo yeedhay Laporta ayaa ka dhigan in kooxdu ay isbedelo balaadhan samayn doonto xagaaga sanadkan isla markaana ay xiddigo badan seeftu qaadi karto.

Laporta ayaa wali aad u doonaya inuu heshiis cusub ku qanciyo Messi oo uu ka saxeexo qandaraas kordhin, xiddiga ree Argentina ayaa udub dhaxaad usoo ahaa guulaha kooxda ee sanadihii ugu dambeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More