Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Messi, Ronaldo, Kane: 30ka Xiddig Ee Gool-dhalinta Iyo Caawinta Ugu

Inkasta oo xilli ciyaareedkii 2020/21 uu soo dhamaaday, inkasta oo VAR ay goolal badan diidday, dad badanna ka cadhaysiisay, inkasta oo finalka Champions League uu yahay mid aan wax isbeddel ah ku samayn karayn xogta hoos ku qoran, haddana waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa ciyaaryahannada goolasha ugu badan kusoo lug yeeshay shanta horyaal ee waaweyn ee qaaradda Yurub.Xilli ciyaareedkan dhamaaday, afar ka mid ah horyaallada waaweyn ee  Yurub waxa ku guuleystay kooxo cusub iyadoo koobabka laga  qaaday naadiyadii xilli…

David Alaba Oo Soo Gaarey Magaalada Madrid & Waqtiga Real Madrid Ay

David Alaba ayaa soo gaadhay magaalada Madrid maalintii Salaasada, waxaana uu isku diyaarinayaa in Real Madrid uu qalinka ugu duugo heshiis bilaash ah oo uu ugaga soo wareegay Bayern Munich oo qandaraaskii uu kula jiray uu kasoo dhamaaday.28 jirkan ayaa Real Madrid u saxeexi doona heshiis shan sannadood ah oo Santiago Bernabeu kusii hayn doona illaa inta ay da’diisu noqonayso 33 jir.Telefishanka Gol TV ayaa sheegay in David Alaba uu Salaasadii soo gaadhay Madrid iyadoo uu la socdo wakiilkiisa iyo sidoo kale lataliyihiisa…

War Cusub Oo Kasoo Kordhay Dhaawacyada N’Golo Kante Iyo Edouard Mendy

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa war wanaagsan ka heshay labadeeda ciyaartoy ee N’Golo Kante iyo Edouard Mendy oo kusoo laabtay tababarka gellinkii dambe ee maanta, xilli ay kooxdu isku diyaarinayso finalka Champions League ee ay Sabtida wada ciyaari doonaan Manchester CtiyXarunta tababaraha Chelsea ee Cobham ayay maanta iska soo xaadiriyeen Kante iyo Mendy, waxaanay taasi soo noolaysay rajada kooxda ee ah in labadan ciyaartoy ay usoo laaban karaan kulankaas muhiimka ah.Kante ayaa dhaawac muruqa ah ku seegay ciyaartii Aston…

XASAASI: Wixii Uu U Sheegay Madaxweyne Joan Laporta Tababare Koeman

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa la xusayaa inuu tababaraha kooxda ee Ronald Koeman u sheegay inuu raadinayo tababare cusub oo isaga bedelkiisa noqda.Laporta ayaa la xusayaa inuu tababaraha Dutch-ka ah weydiistay inuu siiyo mudo 15 maalmood ah si uu usoo xusho tababare cusub.Warbixintan ayaa ah mid ka imanaysa wargeyska TV3 walow uusan xusin tababarayaasha bedelka u noqon kara Koeman, waxa jira macalimiin lala xidhiidhinayo jagadiisa.Wakiilka Koeman ee Rob Jansen ayaa kasoo baxay Salaasadii xalay ahayd…

Joojiya Sancho Oo Keena….- Xiddiga Ay Ciyaaryahanadda Man United Sida

Manchester United ayaa suuqii xagaaga ee sanadkii hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Jadon Sancho waxaana la filayay inay Borussia Dortmund kala soo wareegi doonaan walow ay iska diideen inay bixiyaan lacagtii lagu heli karayay.Xagaaga sanadkan ayaa la filayaa inay sidii hore wax iska bedeli doonaan oo ay kooxdaasi samayn doonto saxeexa Jadon oo markan 75 Milyan oo pound lagu heli karo halka uu xagaagii hore 120 Milyan oo pound ka ahaa.Man United ayaa xagaaga sanadkan sidii hore uga soo jiidasho badan Sancho sababtoo ah…

Muxuu Yahay Xifaaltanka Gaarka Ah Ee Caawa Ka Dhaxeeya Edinson Cavani

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Edinson Cavani ayaa qaab adag uga hadlay tababarihiisii hore ee Unai Emery oo ay caawa iskaga hor iman doonaan kulanka Final-ka Europa League.Markii ay wada joogeen labada xirfadle kooxda Paris Saint-Germain ayay ahaayeen kuwo uusan ka dhaxayn xidhiidh aad u fiicani iyadoo markaa uu Cavani waayay darajadiisii weeraryahan heer sarre ah kaddib imaatinkii Neymar iyo Mbappe.Mid kamida waxyaabaha uu ku liito Emery xirfadiisa tababarenimo ayaa ah maamulka xiddigaha waaweyn, Villarreal iyo…

Waa Kuwan AFARTA Xiddig Ee Ka Tirsan Man United Ee Mustaqbalkooda

Kulanka caawa ee ay kooxda Manchester United la yeelan doonto dhigeeda Villarreal ayaa noqon doona mid muhiimad gaar ah u leh xiddigaha qaar kooxda ka tirsan kuwaas oo mustaqbalooda uu saamayn karo.Afarta xiddig ee la filayo inuu saameeyo kulankaasi mustaqbalkooda dhaw ee Old Trafford ayaa kala ah goolhaye David De Gea, Paul Pogba, Fred iyo Eric Bailly.Aan ku bilawnee mid kamida boosaska muranka ugu badani ka jiray xilli ciyaareedkan United ayaa ah midka goolka, De Gea ayaa la filayaa inuu kusoo bilawdo qaab ciyaareed fiican…

LAYAAB: Go’aanka Aan Cidina Filayn Ee Uu Gareth Bale Qaadan Doono

Garabka weerar ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Wales ee Gareth Bale ayaa lagu soo warramayaa inuu si lama filaan ah uga fadhiisan karo kubadda cagta gabi ahaanba kaddib tartanka Euro 2020.Bale oo xilli ciyaareedkii dhammaaday kusoo qaatay Tottenham oo uu qaab amaah ah kula joogay ayaa diiday inuu si cad uga hadlo mustaqbalkiisa isla markaana sheegay inuu kaliya diirada saarayo Euro.31 sano jirkaas ayaa sheegay inuu nashqadeeyay mustaqbalkiisa iyo waxa uu doonayo inuu yeelo xagaaga balse uusan hadda sii sheegi doonin…

CAJIIB: Ederson Oo Sheegay Waxa Uu Kooxdiisa Man City Weydiisan Doono

Goolhayaha kooxda Manchester City ee Ederson Moraes ayaa shaaca ka qaaday inuu kooxdiisa weydiisan doono in loo dhiibo inuu tuuro rigooraha shanaad haddiiba ay Final-ka Champions League rigoorayaal isla gaaraan Chelsea.Goolhayaha ree Brazil ayaa kamid ahaa xiddigaha City ee samaynayay tababarka rigoorayaasha xilli ay kooxdiisu isku diyaarinayso ciyaarta Sabtida ka dhacaysa Porto.Mar la weydiiyay haddii uu rigoore qaadan karo Final-ka ayuu Ederson u sheegay TNT “Waxaan ku jiraa liiska (Kooxda rigoorayaasha u laagaya), uma…

Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Arbaca Ah Ay

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Arbaca ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:Tottenham iyo Everton ayaa ku dagaallamaya saxeexa weeraryahanka reer Ivory Coast ee Wilfried Zaha. 28 jirkan ayaa la sheegay Crystal…