Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

SAADAASHA Wayne Rooney Ee EURO, Dalkiisa England Oo Loo Diiday & Xulka

Halyeeyga kubadda cagta England ee Wayne Rooney ayaa doortay xulka uu qabo inuu ku guuleysan doono tartanka EURO ee dhawaan furmaya xilli uu sidoo kale ka hadlay fursada dalkiisa England.Xulka uu ku taageeray ku guuleysiga Euro ayaa ah France oo ay dadku badi u rajaynayaan hanashada tartanka, xulka xiddigaha cajiibka ah wata ee tababare Didier Deschamps ayaa ah mid ay adkaan doonto in la helo xul hor istaaga.Rooney oo wargeyska The Times aragtidiisa ku qoray ayaa sheegay in xulka England uu ku jiro afar xul oo kamida kuwa…

Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Ay Qodobbo

Paris St-Germain  ayuu madaxweynaheeda Nasse Al-Khelaifi sheegay in aanay marnaba kooxdaasi iibin doonin weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 22 jir ah. (AS)Borussia Dortmund waxay go’aamisay qiimaha ay ku biisinayso weeraryahanka reer Norway ee Erling Braut Haaland oo 20 jir ah, waxaanay u sheegtay naadiyada doonaya inay la shir yimaaddaan 200 milyan oo Euro. (AS)Aston Villaa ayaa si weyn isku dhisaysa, waxaanay u dhaqaaqysaa laacibka khadka dhexe ee reer England ee James War-Prowse oo 26 jir ah maalmo kaddib…

YAAB: Virgil Van Dijk Oo Lagu Daray Tababareyaasha Xulka Qaranka

Xiddiga Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa door cusub ka ciyaari doona xulka qaranka Netherlands ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2020, waxaanu caawiye u noqonayaa tababare Frank de Boer.29 jirkan difaaca ah ayaa dhaawac ku maqnaa xilli ciyareedkii hore ee 2020-21 oo inta badan kooxdiisa Liverpool aanu u ciyaarin kaddib markii qalliin lagaga sameeyey jilibka bishii October, xilli horyaalku socday wax aan laba bilood ka badnayn.Ronald de Boer ayaa rajaynayay in Van Dijk uu qayb ka noqdo xulka qaranka Netherlands, hase yeeshee…

WARKII LA SUGAYAY: PSG Oo Ku Dhawaaqday Inay Barcelona U Sheegtay In

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa ku xidhiidhinaya xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo qandaraaskiisii Barcelona uu ku egyahay dhamaadka bishan aynu ku jirno ee June.Lionel Messi iyo kooxdiisa ayaa  isla meel dhigi kari la’ heshiis cusub, inkasta oo usbuucyadii ugu dambeeyey la sheegayay in uu oglaaday in uu qandaraas cusub saxeexo, muddo laba sannadood oo kalena uu sii joogi doono Camp Nou.Nasser Al-Khelaifi oo waraysi siiyey wargeyska L’Equipe ayaa tibaaxay…

Borussia Dortmund Oo Go’aamisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Erling Haaland

Manchester United, Chelsea iyo Chelsea oo ahaa saddexda kooxood ee Ingiriiska ah ee indhaha ku hayay weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa helay warkii ay sugayeen, kaddib markii ay kooxda Borussia Dortmund shaacisay qiimaha ay ku iibinayso xiddigeedan.Saddexda kooxood ee Premier League ee sare ku xusan oo lagu daray Real Madrid, Barcelona iyo PSG ayaan marnaba qarsanin sida ay u doonayaan in ay lasoo saxeexdaan dhaliyahan mucjisada ah ee isagoo 20 jir ah dunida qabsaday.Borussia Dortmund oo xiddigan £17 milyan oo…

Laf-dhabartii Xulka Qaranka Brazil Oo Korona Fayras Ku Dhacay &

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF ayaa shaaciyey in xiddig laf-dhabar u ah oo aanay sinaba uga maarmi karin uu gelayo Karantiil kaddib markii uu ku dhacay Fayraska Korona, taas  oo ka dhigan in uu seegi doono kulamada hore ee tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.Kabtantanka Xulka qaranka Spain ee Sergio Busquets ayaa baadhitaan lagu sameeyey subaxnimadii Axaddii waxa lagu xaqiijiyey in uu qabo Fayraska Korona, waxaanay taasi keentay in laga shakiyo ciyaartoyda kale oo dhamaantood lagu sameeyo…

“Mbappe Wuxuu Joogayaa PSG, Waligayo Ma Iibin Doono, Bilaashna Kuma

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ka hadlay mustaqbalka weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo la sheegayo in ay suurtogal tahay in uu xagaagan ka tago, laakiin Nasser Al-Khelaifi ayaa tilmaamay in aanu sinaba ku bixi doonin xiddigan oo uu sii joogi doono caasimadda Faransiiska.Qandaraaska Kylian Mbappe uu kula jiro PSG ayaa ku eg June 2022, taas oo ka dhigan in kaliya hal sano uu sii joogayo haddii aanu saxeexin heshiis kale, laakiin Real Madrid ayaa lala sii…

England Oo Guul Ka Gaartey Romania, Rashford Oo Soo Afjaray Rikoodhkii

Xulka qaranka England ayaa soo afjartay rikoodhkii murugada lahaa ee ka haystay Romania oo aanay ka badinin muddo 51 sannadood ah, waxaana ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Middlesbrough ay ku badiyeen 1-0. England oo isku diyaarinaysa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya waxay kulankii labaad oo saaxiibtinimo ku ballansatay Romania oo ay ugu dambaysay in ay ka adkaato intii uu socday Koobkii Adduunka ee 1970kii, waxaana la baxsaday Marcus Rashford oo beddel ku baxay, kana badbaadiyey in…

AKHRISO: Warqaddii Murugada Lahayd Ee Seid Visin Uu Sii Qoray Ka Hor

Seid Visin oo ku dhashay Itoobiya ayaa la siiyey qoys Talyaani ah oo u qaatay waddankooda xilli ay da’diisu aad u yarayd, waxaana uu halkaas  ka bilaabay ciyaaraha kubadda cagta isagoo waqtiyo kusoo qaatay kulliyadda AC Milan iyo Benevento, laakiin waxa uu ciyaaraha ka fadhiistay 2016 oo uu ku ekaaday waxbarashadiisa.Kaddib sannado cunsuriyad lagula kacayaya, Seid Visin ayaa is-dilay, waxaana shalay oo Sabti ahayd lagu aasay Talyaaniga.Ka hor intii aanu is-dilin, Seid Visin ayaa sii qoray warqad qiiro leh oo laga dul…

MURUGO: Xiddigii Itoobiya Ee AC Milan Oo Is-dilay, Meydkiisa Oo La

Da’yarkii sida xiddigta uga soo dhex-baxay AC Milan ee Seid Visin ayaa qudha iska jaray, meydkiisana la helay kaddib sannado faruuq, takoor iyo cunsuriyad lagu hayay.Seid Visin oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta AC Milan, sidoo kalena kusoo dhex kacaamay naadiga Benevento, ayaa is-dilay iyadoo ay da’diisu ahayd 20 jir, waxaana maydkiisa laga helay gurigiisa ku yaalla Campania.Seid Visin ayaa ku dhashay waddanka Itoobiya oo ee uu asal ahaan kasoo jeedo, waxaana isagoo aad u da’yar loo qaaday waddanka Talyaaniga iyadoo ay soo…