Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Yaa Iska Celin Kara? Waa Kuwan Saddexda Weeraryahan Ee Uu Pep

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo warramayaa inuu xiddigaha Harry Kane iyo Jack Grealish xilli ciyaareedka dambe doonayo inuu safkiisa weerarka kula mideeyo mucjisada kooxdiisa ee Phil Foden.Sida uu sheegay wargeyska Sportsmail bishii hore, City ayaa diyaar u ah inay rekoodhka suuqa ee England oo dhan jabiso oo ay 100 Milyan oo pound kula soo saxeexato Grealish sidoo kale waxa ay isha la raacayaan Kane oo doonaya inuu Tottenham iskaga baxo.Sida uu sheegayo wargeyska ESPN, Guardiola ayaa doonaya…

YAAB: Maxay Xiddigaha City Ku Arkeen? Barcelona Oo SHAN Xiddig Oo Kale

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay shan xiddig oo kale oo ka tirsan dhigeeda Manchester City bartilmameed ka dhiganayso.Kooxda horyaalka La Liga ka ciyaarta ayaa durtaba Sergio Aguero iyo Eric Garcia kala saxeexatay Man City, laakiin kaddib markii ay seegeen Georginio Wijnaldum Barca ayaa shan xiddig oo kale ka rabta City sida ay warbixino cusubi xusayaan.Sida ay sheegayaan warsidayaasha ree Spain ee El Chiringuito iyo Sport, tababare Ronald Koeman ayaa doorka uu u waayay Wijnaldum u doonaya Ilkay…

TOP 10: Tobbanka Xiddig Ee Ugu Qaalisan Dunida Kubadda Cagta, Xiddiga

Hay’ada qiimaynaha kubadda cagta ka samaysay ee CIES ayaa soo saartay liiska xiddigaha ugu qaalisan horyaalada waaweyn ee Yurub wakhtigan iyadoo 10-ka hore si lama filaan ah looga waayay da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.Sida ay sheegayso warbixintan ugu dambaysay ee CIES, da’yarka Manchester City ee Phil Foden ayaa ah midka ugu qaalisan wakhtigan guud ahaan kubadda cagta.Liiska ay soo saartay CIES ayaa ah mid ay ku dooranayso xiddigaha ugu qaalisan shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub, Foden oo dhawaan kusoo…

Pep Oo Doortay Saxeexiisa U Horreeya, United Oo Qarka U Saaran Sancho,

Tababarraha Manchester Ctiy ee Pep Guardiola ayaa doonaya in uu lasoo saxeexdo laacibka khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa iyo xulka qaranka England ee Jack Grealish oo 25 jir ah, xagaagan. (ESPN)Tottenham waxay dalbatay ugu yaraan £150 milyan oo Gini oo kaash naqad ah, taas oo ay tahay inay bixiso kooxda doonaysa weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo guddoomiye Daniel Levy uu u ogolaanayo inuu iska tago haddii lacagtan la bixiyo. (Sun)Manchester United ayaa qarka u saaran saxeexa Jadon Sancho oo Borussia Dortmund u…

RASMI: Xidhiidhka FA Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa si rasmi ah u shaaciyey, in guddoomiyahooda cusub ay noqonayso Debbie Hewitt, taas oo taariikhda kubadda cagta Ingiriiska geli doonta iyadoo noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee madax ka noqota FA.Laga bilaabo January 2022, Hewitt ayaa noqon doonta guddoomiyihii ugu horreeyey ee dumar ah ee xidhiidhka FA, waxaanay beddeli doontaa Greg Clarke oo sannadkii hore ee 2020 ku dhawaaqay inuu shaqada iska casilay.Peter McCormick ayaa si ku-meelgaadh ah usii hayay xilka guddoomiyaha FA,…

AKHRISO: Kulamadii Ugu Naxdinta Badnaa Ee Tartanka EURO Ee

Lixdan sannadood iyo dheeraad lasoo ciyaarayay tartanka qaramada Yurub ee Euro, waxa looga soo joogay dhacdooyin badan oo taageereyaasha lama filaan ku noqday, kuwaas oo natiijooyinka ay kusoo dhamaadeen ay wadne gariir ku rideen dalalkii is-bidayay inay durdurada ku guuleysan doonaan.Laga soo bilaabo Denmark iyo Greece illaa  Iceland, waxa uu tartanka qaramada Yurub ahaa mid dalal la liidayay oo awooddoodu hoosayso ay si lama filaan ah wacdaro uga dhigaan, uguna guuleystaan tartankan.Tartankii ugu dambeeyey ee Euro 2016…

Chelsea Oo Wada-hadallo La Furtay Erling Haaland & Xeeladda Ay Kaga

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa wada-hadallo la bilowday weeraryahanka reer Norway ee Erling Braut Haaland oo Borussia Dortmund ay ku xidhay £170 milyan oo Gini.Dortmund ayaa caddaysay in aanay xagaagan iibin doonin weeraryahankan, laakiin Haaland ayaa lagu soo warramayaa in hammigiisu yahay in uu ka tago kooxdaas oo uu tallaabo hore u qaado, si uu ugu guuleysan karo koobabka waaweyn ee Yurub.Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel ayaa bartilmaameedka koowaad ka dhigtay Haaland oo uu doonayo inuu hoggaamiyo afka hore ee…

XAASAASI: Ganaaxii FIFA & UEFA Ee Real Madrid, Barcelona Iyo Juventus

Kooxaha kubadda cagta Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa ka guuleystay xidhiidhada kubadda cagta FIFA iyo UEFA oo ku hanjabayay in ay ka ganaaxi doonaan tartanka Champions League, isla markaana lacago ciqaab ah la dul-dhigi doono.Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa dhowaan sheegay in ganaax illaa laba sannadood ah laga saari doono saddexdan kooxood ka qayb-galka Champions League, kaddib markii ay samaysteen tartanka European Super League (ESL), isla markaana ay diideen in ay ka laabtaan.UEFA ayaa…

Each confirmed Premier League transfer

Premier League clubs are hoping for a return to normalcy this summer after the impact the coronavirus pandemic has had in the last two seasons.Last summer's transfer market was turned upside down. But even though Euro 2020 and the Copa America have taken place this year, time frames and deadlines are back to normal.Every Premier League club has completed at least one new signing so far, with Manchester City's £ 100m catch by Jack Grealish setting a new British transfer record. Manchester United have landed Jadon Sancho for…

Tababaraha Xulka Belgium Oo Ka Dayriyey Xaaladda Eden Hazard

Eden Hazard ayaa ciyaaray 10 daqiiqadood oo kaliya kulankii u dambeeyey ee saaxiibtinimo ee xulka qaranka Belgium iskugu diyaarinayay tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya, laakiin tababare Roberto Martinez ayaa shaki geliyey xaaladda taam ahaansho ee laacibkan.Hazard ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa uu inta badan dhaawac kaga maqnaa Real Madrid iyadoo muddadii koobnayd ee uu taamka ahaana uu ciyaar liidata la imanayay, taas oo ka dhigan in Los Blancos ay illaa hadda ka sugayso wixii ay lacagta badan uga soo…