Muxuu Sameeyey Florentino Perez Ee Uu Ka Cadhooday Zidane? – Wargeyska
Real Madrid ayaan ka bixin bogagga hore ee wargeysyada muddooyinkii u dambeeyey, waxaana inta badan la hadal hayay mustaqbalka Zinedine Zidane oo maalinba wax cusub kasoo kordhayey, ilaa ugu dambayntii uu ku dhawaaqay in uu iscasilay.
Toddobaadkii hore ayuu Zidane si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka tegay kooxdaas, waxaana war qoraal ah oo ay Los Blancos soo saartay ay ku sheegtay in ay ixtiraamayso go’aanka uu gaadhay tababaruhu ee ah inuu iska tegayo.
Taageereyaasha ayaa isweydiinayey sababta uu Zidane uga tegay kooxda iyadoo laba dhibcood lagaga qaaday horyaalka LaLiga, sidoo kalena ay yimaaddeen semi-finalka xilli ay muuqatay in kooxdu aanay haysanin ciyaartooyo dhaliye dabiici ah oo booskii Ronaldo bannaan yahay, sidoo kalena dhaawacyo tiro badan ay kala daadiyeen khadka difaaca.
Laakiin Zidane ayaa warqad furan oo uu maanta ku daabacay wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, waxa uu iscasilaaddiisa ku sababeeyey kalsooni darro uu ka qabay Florentino Perez oo uu ku eedeeyey in aanu daacad u ahayn, isla markaana aanu ka haysanin taageeradii uu u baahnaa iyo qorsheyaal lagu dhisayo kooxda midna.
Arrin kale oo laga yaabo in ay tahay tan ugu weyn ee iscasilaadda ku keentay Zidane, ayaa waxay ahayd in uu sheegay, in mar kasta oo kooxda laga badiyo ay maamulku warbaahinta Spain u diri jireen farriin ay ku sheegayaan in la caydhinayo Zidane, laakiin ay mar walba badbaadinayeen ciyaartoydiisa oo si weyn ay iskugu kalsoonaayeen.
Haddaba muxu ahaa warka uu Zidane ka cadhooday ee ku keenay in uu iscasilo?
Wargeyska Marca ayaa qormo uu ka diyaariyey arrintan, waxa uu ku sheegay, in markii Real Madrid ay guul-darrada kala kulantay Shakhtar Donetsk horraantii xilli ciyaareedkan, 15 kulan gudahoodna shan mar laga badiyey, in ay warbaahinta Spain ee waaweyn ay qoreen in shaqada laga caydhinayo. Marca oo ugu horreysay ayaa tibaaxday in maalmo gudahood lagu caydhinayo Zidane. El Espanol iyo El Mundo ayaa iyaguna sheegay in khatar uu ku jiro Zidane.
January ayay Real Madrid ka hadhay Spuercopa de Espana iyo Copa del Rey, waxaanay tani sii kordhisay culayska, iyadoo uu mar kale qabsaday bogagga hore ee wargeysyada oo sheegay in la caydhinayo.
Zidane ayaa waqtigaas ka hadlay shir jaraa’id, waxaanu yidhi: “Ugu yaraan waa in aan horyaalka u dagaallanno illaa dhamaadka, illaa inta aan garanayo, Real Madrid waa horyaal. Mar walba waxa aad tidhaahdaan dhamaadka xilli ciyaareedka waxyaabo ayaa isbeddelaya.”
Zidane waxa uu intaa kaddib si dadban ula hadlay maamulka kooxda, waxaanu yidhi: “Aniga hortayda ka sheega in lay beddelayo, dhabarkayga haka hadlina.
Inkasta oo aan waqtigaas si gaar ah loo fahmin in uu la hadlayay madaxweyne Florentino Perez, haddana warqaddii uu maanta la wadaatay taageereyaasha ayaa uu wax walba ku caddeeyey.