Wargeyska MEN Oo Shaaciyey Liiska 25ka Xiddig Ee Manchester United Ee

Garoonka Old Trafford, waxa xilli ciyaareedka dambe isku heli doona 25 ciyaartoy oo waaweyn oo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu nasiib u yeelan doono in uu layliyo, laakiin laga doonayo in uu la yimaaddo xeeladdii uu kaga dhigi lahaa kuwa ugu wanaagsan, isla markaana uu ugu dagaallami lahaa horyaalka Premier League.

Manchester United oo kaalinta labaad  ka gashay horyaalka Premier League, waxa kale oo ay gaadhay finalka Europa League oo Villarreal ay kaga guuleysatay.

In ay yimaaddeen labadan meelood ee ugu dambeeya, waxay muujinaysaa in kooxdu samaysay horumar marka loo eego xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyey oo aanay kaalinta labaad ee Premier League imanin, waxaana kaliya ka dhibco badatay Manchester City oo la qaban kari waayey.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa muujiyey dareenka ah, in kooxdiisa hadda ay u baahan tahay in la firfircoonaysiiyo, laguna soo kordhiyo dhawr ciyaartoy oo ka xoojiya meelo uu tebayo in ay ka liitaan.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay kaddib guul-darradii finalka Europa League ee Villarreal, Solskjaer ayaa yidhi: “Halkan ayaanu joognaa, waxa aanu u baahanahay in aanu si fiican u shaqayno, wax wanaagsan qabano, si adag u shaqayno, xariifiina ahaano. Laakiin sida aan horeba u idhi, laba ama saddex ciyaartoy oo aanu ku xoojino shaxda koowaad iyo isku duubnimada kooxda oo dhan ayaa hore aanu ugu socon karnaa.”

Kaddib hadalka Solskjaer, waxa Manchester United lala xidhiidhiyey Harry Kane oo la sheegayo in uu ka tegayo Tottenham iyo Erling Haaland, waxayse marka horeba sii xaqiijiyeen Edinson Cavani oo heshiiskiisii sannadka ahaa loogu kordhiyey sannad kale.

Red Devils ayaa liiskeeda si rasmi ah uga tirtiri doona ciyaartoyda ay qaarkood amaahda ku maqan yihiin, kuwo dhaawac u jiifaan, kuwo kalena ay kaydka ku caajiseen, sida Phil Jones, Jesse Lingard, Diogo Dalot, Andreas Pereira, Sergio Romero, Lee Grant iyo Juan Mata.

Iyaga beddelkooda, waxa kooxdu ay lasoo saxeexanaysaa difaaca Real Madrid ee Raphael Varane, Rice iyo weeraryahanka reer England ee Jadon Sancho sida uu qoray wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada Manchester.

Halkan kaga bogo 25ka xiddig ee Manchester United ay ku dagaalami doonto xilli ciyaareedka dambe ee uu daabacay MEN:

Goolhayeyaal: Henderson, Heaton, Bishop

Difaaca: Wan-Bissaka, Trippier, Maguire, Varane, Lindelof, Tuanzebe, Shaw, Telles

Dhexda: Fred, McTominay, Matic, Rice, Pogba, Van de Beek, Fernandes

Weerarka: Rashford, Cavani, Sancho, Greenwood, Amad, James, Martial.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More