DAAWO: Kevin De Bruyne Oo Lagu Daray ‘Liiska Xiddigaha Ku Dhacay
Muuqaal lagu soo ururiyey dhacdooyinkii N’Golo Kante iyo Kevin de Bruyne ee finalkii Champions League, waqtiyadii ay labadoodu sida foolka-foolka ah iskaga hor yimaaddeen ayaa baraha bulshada in badan la iskula wadaagay.
Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa jeebadda ku ritay Kevin de Bruyne, marar dhawr ahna ka xoogsaday kubadda, iyadoo mid ka ah ay halis geli lahayd Chelsea haddii aanu Kante isku soo tuuri lahayn De Bruyne oo kubadda kala horreeyey, taas oo uu aadyar lugta kusoo fidiyey oo uu ka gujiyey.
Finalkii Champions League ee Sabtidii, waxa hadal-haynta ugu badan ee ka taagan ay tahay wacdarihii uu muujiyey N’Golo Kante oo meel kasta oo garoonka ah taagnaa, iyadoo uu waliba kasoo noqday dhaawac shaki gelinayey taam ahaanshihiisa kulankaas.
Kevin de Bruyne oo ahaa ciyaartoyga ugu muhiimsanaa Manchester City ayay Kante iska hor yimaaddeen ka hor intii aan garoonka laga saarin qaybta dambe iyagoo isku dhacay Antonio Rudiger.
Kubbad-sameeyaha reer Belgium ayaa Axaddii xaqiijiyey in uu ka jabay sanka iyo lafta isha agteeda, waxaase uu xusay in uu fiican yahay oo uu cusbitaalka kasoo baxay.
N’Golo Kante oo bilowgii xilli ciyaareedka si lama filaan ah uu Frank Lampard kaydka ugu diray, ugana doorbiday Jorginho iyo Kovacic, ayaa waxa uu hadda yahay ciyaartoyga loo saadaalinayo abaal-marinta Ballon d’Or, laakiin ka hor inta aan waqtigaas la gaadhin, waxyaabaha qiimayntiisa qaybta ka noqonaya waxa ka mid ah bandhiggii uu ka sameeyey ciyaartii finalka Champions League iyo saddex waqti oo uu ku karbaashay Kevin de Bruyne.
Halkan ka daawo muuqaalka:
Kevin De Bruyne, completed it mate. pic.twitter.com/aCExhgIrhr
— Pys (@CFCPys) May 30, 2021