Sergio Ramos Oo Shandaddiisa Ka Xidh-xidhay Spain, Heshiiska Bilaashka

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u dhow in ay gacanta ku dhigto kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo uu dhamaaday qandaraaskii uu ku joogay Santiago Bernabeu, isla markaana aan wali ogolaanin in uu saxeexo qandaraas cusub.

Tababare Pep Guardiola ayaa xiisaynaya in kooxdiisa uu kusoo kordhiyo Sergio Ramos, si uu habkiisa difaaca ugu kordhiyo khibradda iyo hoggaaminta uu sannadaha badan ka helay garoomada, sida uu Thiago Silva sare ugu qaaday tayada Chelsea oo kale.

Difaacan reer Spain oo Real Madrid u dhaliyey in ka badan 100 gool, ayuu heshiiskiisu ku eg yahay June 30, waxaana uu khilaaf u dhexeeyaa Florentino Perez, taas oo keeni karta inuu soo afjaro 17 sannadood oo uu xidhnaa funaanadda cad ee Real Madrid.

Man City oo uu ka tegay difaaca reer Spain ee Eric Garcia oo si xor ah ugu wareegay Barcelona, Aymeric Laporte na lala xidhiidhinayo in uu ka baxayo Etihad Stadium, waxay ka shaqaynaysaa sidii ay ku heli lahayd Sergio Ramos oo ay u bandhigtay laba sannadood oo heshiis ah.

Warbaahinta Maraykanka ee ESPN ayaa shaaciyey, in Sergio Ramos oo 35 jir ah aanu cusboonaysiin doonin qandaraaskiisa Madrid, isla markaana uu usii jeedo Etihad Stadium oo uu ka hoos ciyaari doono Pep Guardiola.

Qorshaha Man City ay u bandhigtay Ramos ayaa waxa ku jira in uu ka ciyaaro horyaalka Premier League, haddii uu isagu doonayana uu usii dhaafi karo kooxda mataanaha ay yihiin ee New York City FC ee ka dhisan waddanka Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More