Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

MEEL KU QORO: Waqtiga La Shaacinayo Isku-aadka Horyaalka Premier

Xumaddii horyaalka waddanka Ingiriiska ee xilli ciyaareedka dambe ayaa durba la dareemayaa toddobaadyo kaddib markii lasoo afjaray xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21, waxaanay taageereyaashu sugayaan isku-aadka iyo taariikhaha muhiimka ah ee  sannadka dambe.Horyaalka oo xilli ciyaareedkii dhamaaday ay hantiday Manchester City kaddib 15 ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay guuleysatay laga soo bilaabo bishii December, taas oo keentay inay jidka  kusii jiidho Liverpool oo iyaduna waqtigaas bilowday inay hoos usoo gurato,…

Real Madrid Oo U Guureysa Garoonka Atletico Madrid Ee Wanda

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka guureysa garoonkeeda Alfredo Di Stafano ee ay muddada sannadka ah ku ciyaaraysay, waxaanay hoy ka dhiganaysaa Wanda Metropolitano oo ay wadaagi doonaan Atletico Madrid.Real Madrid ayaa waxa wali socda dhismaha garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu oo dib uga dhacay waqtigii la filayay in la dhamaystiro, waxaanay muddada ka hadhsay dhismihiisa ay marti usii ahaanaysaa Atletico Madrid oo ay isku magaalo ka dhisan yihiin.Santiago Bernabeu oo dhisme ka socdoHoryaalka waddanka Spain ee…

RASMI: Ganaaxii SANNADKA Ahaa Ee Goolhayaha Xulka Cameroon & Ajax Ee

Goolhayaha xulka qaranka Cameroon iyo Ajax ee Andre Onana ayaa lasoo gaabiyey kaddib rafcaan uu u gudbisay maxkamadda garsoorka khilaafkaadka ciyaaraha ee CAS.25 jirkan ayaa bishii February lagu xukumay inuu 12 bilood ka maqnaado guud ahaan ciyaaraha iyadoo lagu eedeeyey in uu isticmaalay daawooyin mamnuuc ah oo ciyaartoyda ka caawiya inay yeeshaan awood dheeraad ah, balse Onana ayaa ku dooday in kiniin ay saaxiibaddii isticmaalaysay uu ku qaldamay isagoo moodayay xanuun baabi’iye xilli uu gurigiisa ku sugnaa.Ganaaxaas oo ay…

Waa Kuma Xiddiga Wacdaraha Ku Dhigay Man City Ee Heshiis Kordhin Uu

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa lagu soo warramayaa inuu hakad geliyay heshiis kordhin uu u sameeyo kooxda Barcelona isaga oo ka warsugaya haddii ay xoojinayaan xiisaha ay u muujinayaan.Gundogan ayaa kusoo raaxaystay xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa waayihiisa ciyaareed isaga oo murashax u ahaa ku guuleysiga xiddiga sanadka ee Premier League ee PFA isaga oo Premier League iyo Carabao Cup lasoo qaaday Sky Blues.Man City ayaa doonaysa inay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxeexato Gundogan balse…

Waa Kuma Xiddiga Liverpool Ka Tirsan Ee LABA ARDAY Ka Bixinaya

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Divock Origi ayaa u muuqda mid aan kaliya xirfadiisa ciyaareed ugu deeqayn magaaladaas balse sidoo kale isku dayaya inuu deeqo waxbarasho ku caawiyo da’yarta halkaas degen.Origi ayaa si rasmi ah bah-wadaag dhinaca waxbarasho bilaash ah (Scholarship) la bilaabaya jaamacada magaalada Liverpool.Deeqda waxbarasho ee uu bixinayo Divock ayaa noqon doonta mid ku salaysnaan doonta tartan loosoo galo iyadoo laba arday oo kamid ah magaalada uu ka bixin doono.Labada arday ee kusoo guuleysta tartankaas…

Cadho Mise Kibir? Ma Rumaysan Kartid Wixii Uu Doonayay Mbappe Inuu

Da’yarka xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa ahaa mid aad uga cadhaysan weeraryahanka xulkiisa ee Olivier Giroud kaddib hadal kasoo yeedhay dhaliyahaas intii uu socday kulankii ay guusha 3-0 ka ah ka gaadheen xulka Bulgaria.Les Bleus ayaa ka adkaaday Bulgaria oo marti ugu ahayd Stade de France iyadoo Giroud uu bedelka kasoo kacay laba goolna dhaliyay xilli uu kaliya shan gool u jiro rekoodhka abid ee goolasha xulkaas oo uu Theirry Henry haysto.Giroud ayaa u yimid tababare Didier Deschamps intii kulankaasi socday isaga…

YAAB KALE!! Memphis Depay Oo Barcelona Looga Horqaadayo Sidii

Kooxda Barcelona ayaa ka baqaysa inay markale waji gabax dhinaca suuqa ah la kulanto maalmo kaddib markii lagaga guuleystay saxeexa Georginio Wijnaldum oo Liverpool ka tagaya.Wijnaldum ayaa heshiiska shaqsiga ah hore ula gaadhay Barcelona waxaana la filayay inuu kooxdaas u wareego kahor inta aysan Paris Saint-Germain miiska u saarin heshiis uu ku qaadanayo laba jibaarka mushaharkii uu Barca kula heshiiyay isaga oo aqbalay.Haatan iyadoo ay Barca wali qabto dhibtii kasoo gaadhay dhinaca kooxda ree France, kooxda Juventus ayaa…

SAADAAL Loo Dhan Yahay!! – Ferdinand, Shearer & Lineker Oo Hal Dal U

Halyeeyada kubadda cagta England haatana doorka khabiirnimo ku shaqeeya ee kala ah Gary Lineker, Rio Ferdinand iyo Alan Shearer ayaa si isku mid ah hal xul ugu saadaaliyay ku guuleysiga koobka Euro ee berri bilaabmaya.England, Portugal, France, Germany iyo Belgium ayaa dhammaantood kamid ah xulalka ugu cad cad ku guuleysiga koobkaas balse haddana saddexda halyeey ayaa si isku mid ah hal dal iskugu af-gartay.Xulkaas ay Shearer, Ferdinand iyo Lineker isku raaceen ayaa ah France oo koobkii aduunka ee 2018 kusoo guuleystay,…

Neymar Oo PSG Xabsi Kaga Dhigay Mbappe, Mourinho Oo Arsenal Hoggaamiye

Chelsea ayaa doonaysa saxeexa daafaca midig ee kooxda Inter Milan ee Achraf Hakimi, 22 sano jirkaas ayay sidoo kale dalab ka geysay Paris Saint-Germain. (Times, subscription required)Haddii ay Chelsea la saxeexato Hakimi ayay dhagaysan doontaa dalabaadka Callum Hudson-Odoi oo garab weerar ah iyo Tino Livramento oo 18 sano jir ah u imanaya. (Guardian)Paris St-Germain ayaa qiimaynaysa xaalada 24 sano jirka weerarka ah ee kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele oo heshiiskiisa hal sano ka hadhsan yahay. (Marca)Barcelona ayaa isku…

Xiddig Ka Tirsan Xulka England Oo Ku Dhaartay Inuu KHAMRI Cabbi Doono

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qarnanka England iyo kooxda West Ham United ee Declan Rice ayaa ballan-qaaday inuu cabbi doono khamri markii ugu horreysay noloshiisa haddii waddankiisu ku guuleysto koobka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya.Rice ayaa sheegay in aanu waligii cabbin khamriga loo yaqaano Bear, laakiin hadda uu cabbi doono markii ugu horreysay, sabbatuna ay tahay inuu dabbaal-degga waddankiisa haddii uu guuleysto darteed  uu khamriga u cabbi doono.“Miyaad ogtahay in ilaa maalintan in aanan…