Manchester United Oo Lagu Garaacay Xiddigii Ay Sannadaha Badan

Manchester United ayaa candhuufteeda dib u liqday, waxaana si dhab ah loogaga adkaaday saxeexa xiddigii ay muddada badan raadinaysay ee Saul Niguez oo aanay marnaba qarsanin inay doonayaan in ay Old Trafford keento.

Xiddiga reer Spain ee Saul ayaa waxa heshiis la gaadhay Bayern Munich oo bixinaysa £68 milyan oo Gini xagaagan, taas oo ay Atletico Madrid ogolaatay.

Munich ayaa laacibkan aadka loo qiimeeyo, waxay u doonaysaa in uu u buuxiyo booskii uu banneeyey Thiago Alcantara oo xagaagii hore uga wareegay Liverpool, isla markaana ay tebayaan in ay wali bannaan tahay halkii uu ka baxay.

Sida ay sheegayaan wararka  laga helayo waddanka Spain, Bayern Munich iyo Atletico Madrid ayaa ka heshiiyey lacagta laacibkan oo noqonaysa £68 milyan oo Gini, taas oo tababare Diego Simeone uu u adeegsan doono in uu dib ugu dhiso kooxda, kuna soo iibsado ciyaartooyo cusub.

Tababaraha reer Argentina ayaan kaydka geliyey Saul xilli ciyaareedkan, isagoo ka doorbiday shax kale oo awood u yeelatay in ay ku guuleystaan horyaalka LaLiga, laakiin saamaynta Niguez ayaa muuqanaysay xataa daqiiqadaha uu beddelka ku yimaaddo.

Idaacadda Marca ayaa kusoo warramaysa, in Atletico ay isla marka ay Munich usoo shubto lacagta, in ay u dhaqaaqi doonto Rodrigo de Paul oo khadka dhexe uga ciyaara Udinese in muddo ahna uu tababare Simeone la socday xaaladdiisa.

Udinese ayaa dalban doonta £35 milyan oo Gini, waxaanay taasi ka dhigan tahay, in wali ay haysato lacag intaas ku dhow oo baaqi u noqonaysa, ciyaartooyo kalena ay ku doonato.

Saul oo xilli ciyaareedkan kasoo muuqday 33 kulan oo horyaalka ah oo 12 kaliya uu dhamaystay 90kii daqiiqadood ee ciyaarta ayaa soo afjaraya 13 sannadood oo uu kooxdan ka tirsanaa.