Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

SHAN Xiddig Oo Harry Kane Kula Tartamaya Abaal-marinta Kabta Dahabka

Harry Kane ayaa raadinaya in uu ku guuleysto abaal-marinta KABTA DAHABKA ah ee tartankii labaad ee caalami ah ee weyn marka uu bilowdo tartanka qaramada Yurub ee caawa la daah-furayo.Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa ahaa ciyaartoygii ugu goolasha badnaa Koobkii Adduunka 2018 lagu qabtay Ruushka, iyadoo goolashiisuna sababeen in Ingiriisku yimaaddo semi-finalka oo Croatia ay ku reebtay.Laacibkan Tottenham oo xuddun u ah hadal-haynta suuqa ee xagaagan, iyadoo kooxo badan ay raadinayaan sidii ay u heli lahaayeen…

N’Golo Kante, Mbappe, Benzema, Lukaku, Alaba – Waddamada Ay Asal Ahaan

25 waddan oo Afrikaan ah ayaa ciyaartooyo u dhashay ay ka qayb-gelayaan tartanka qaramada Yurub ee Euro ee caawa bilaabmaya, waxaana waddanka ugu badan uu yahay Faransiiska oo la xasuusan yahay in xiddigihii u qaaday Koobkii Adduunka 2018 ay ahaayeen laacibiin madow ah.Min France, Portugal, England illaa Switzerland, waxa ka buuxa ciyaartooyo asaal ahaantooda kasoo jeeda Afrika oo ay waalidkood u haajireen qaaradda Yurub, kuwo yaraantoodii tegay iyo laacibiin kale oo awoowyaashood ay halkaas tageen, halka qaarkood ay…

RASMI: Xulka Argentina Ee Copa America Oo Laga Saaray Xiddig Weyn &

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa soo saaray liiska kama dambaysta ah ee waddankiisa uga qayb-gelaya tartanka qaramada Latin America ee Copa America, waxaana uu xiddigaha kooxdiisa ka reebay laacib weyn oo wacdaro ka dhigay kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka.Lionel Scaloni ayaa xidhiidhka kubadda cagta CONMEBOL u gudbiyey liiska kama dambaysta xulka Argentina, waxaana uu ka tegay weeraryahanka kooxda Sevilla ee Lucas Ocampos oo kusoo bilowday ciyaartii Chile  ay barbarraha la galeen ee…

SIDDEED Qodob Oo Lagu Kala Saarayo Waddamada Isku-dhibcaha & Isku

Tartanka qaramada Yurub ayaa caawa bilaabmaya, waxaana lagu furayaa labada waddan ee Talyaaniga iyo Turkey oo ku wada ciyaari doona garoonka Olimpico ee magaalada Rome, halkaas oo ay ka dhici doonto xaflad inta aanay ciyaartu bilaabmin.Taageereyaasha kubadda cagta ee aan xogta badan ka haysanin tartankan, waxa aanu halkan ugu soo gudbinaynaa siddeed qodob oo sharciga UEFA ku yaalla, isla markaana loo adeegsado in lagu kala saaro waddamada wareegga hore ee Groups-ka ku dhamaysta iyagoo isku mid ka ah dhibcaha, sidoo kalena…

RASMI: Tartanka Qaramada Yurub Oo Caawa Bilaabmaya Iyo Xogo Ku Saabsan

Tartanka qaramada Yurub ee EURO 2020 oo baaqday sannadkii hore ayaa caawa si rasmi ah u bilaabmaya waxaana lagu furayaa Talyaaniga oo ku jira dalalka magaalooyinkooda lagu ciyaarayo iyo Turkey oo iska soo xaadiriyey magaalada Rome ee ay ciyaartani ka dhacayso.Tartankan ayaa ka duwan kuwii hore ee lagu yaqaanay in hal waddan ama laba dal ay wada-jir u martigeliyaan, waxaana lagu ciyaarayaa 11 magaalo oo 11 waddan oo kala duwan ku yaalla.Magaalada Rome ayaa nasiib u yeelatay in lagu furo ciyaarahan, laakiin waxa iyaduna…

Madaxweyne Macron Oo Maanta Hadlay: “Benzema Waxa Ku Dayda Carruurta

Madaxweynaha waddanka Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa maanta booqday xarunta tababarka ay ku qaadanayaan ciyaartoyda dalkaas ee Clairefontaine, halkaas oo ay iskugu diyaarinayaan tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.Gellinkii dambe ayuu Khamiista ayuu Emmanuel Macron u tegay ciayartoyda oo tababarka qaadanaya si uu ugu dhiirigeliyo inay guul ka keenaan Euro, isagoo gacan-qaaday Karim Benzema oo uu waqtiyada qaarkood warbaahinta ka eedeeyey intii ay socotay dacwaddii laacibkan lagaga caydhiyey xulka…

RASMI: Premier League Oo Xaqiijiyey In La Joojiyey Adeegsiga Go’aamada

Premier League ayaa shaaciyey in ay isbeddel ku sameeyeen isticmaalka VAR, gaar ahaan go’aamadii muranka ugu badan dhaliyey xilli ciyaareedkan, kuwaas oo sababay in la diido goolal gadood abuuray.Xilli ciyaareedkii hore, taageereyaasha iyo sidoo kale ciyaartoyda ayay layaab ku noqotay in la diiday goolal offside ah ama kubbado gacanta kaga dhacay ciyaartooyo, laakiin aan daliil cad loo haynin.Garsooreyaasha oo adeegsanaya VAR, ayaa waxay cabbir saareen ciyaartooyo aan waxba kala horreynin si ay u go’aamiyaan offside,…

Mushaharka Ciyaaryahanadda PSG Oo Lasoo Bandhigay Kaddib Heshiiskii

Kooxda reer France ee PSG ayaa maanta shaacisay inay heshiis saddex sannadood ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee reer Netherlands ee Georginio Wijnaldum oo si bilaash ah ugaga soo wareegay Liverpool, kaddib shan sannadood oo uu joogay Anfield.Georginio Wijnaldum oo mar qarka u saarnaa Barcelona ayay PSG ka hor-qaadday, kaddib markii loo bandhigay mushahar laban-laab ka badan midka ay kooxda reer Spain u ballan-qaaday.Sida uu qoray wargeyska De Telegraaf ee kasoo baxa waddanka Holland, Wijnaldum ayaa sannadkii mushahar…

Wax Ka Baro Sharciyada Euro 2020 – Imisa Kaadh Oo Huruud/Jaale Ah Ayaa

Jimcaha berri ayuu bilaabmayaa tartanka qaramada Yurub ee Euro ee sannadkii hore baaqday, waxaana lagu furayaa ciyaar adag oo u dhaxayn doonta Talyaaniga iyo Turkey oo ku kulmaya magaalada Rome.Hal ciyaar oo kaliya ayaa dhacaysa Jimcaha, waxaase Sabtida la raacinayaa kulanka kale ee ka hadhay Group A ee Wales vs Switzerland oo ay isku hormo yihiin labada waddan ee sare iyo Group B oo ay ku wada jiraan Denmark vs Finland & Belgium vs Russia.Kulamada hore ee Group-yada ayaa waxay soconayaan muddo 12 maalmood ah oo ka…

Frank Lampard Oo Helay Shaqadii Ugu Horreysay Tan Iyo Markii Laga

Tababarihii hore ee Chelsea ee Frank Lampard ayaa helay shaqadii ugu horreysay tan iyo markii laga caydhiyey kooxdiisii hore ee Chelsea bishii January ee sannadkan.Halyeyga Chelsea ayaanu magaciisu ka bixin warbaahinta usbuucyadii ugu dambeeyey, waxaana lala xidhiidhinayay dhawr kooxood oo horyaalka Premier League ka dhisan inuu midkood tababare u noqon doono, laakiin midkoodna wax war ah oo kasoo kordhay ma jiro.Maalinta Axadda ee toddobaadkan foodda inagu soo haya, Frank Lampard ayay taageereyaashu arki doonaan isagoo…