Dhaawac Intee Le’eg Ayaa Soo Gaadhaya Rajadii Xulka Qaranka England Ee

Trent Alexander-Arnold ayaa laga saaray liiska xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2020 ee Jimcaha soo socda bilaabmaya kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaar saaxiibtinimo oo ay ugu diyaar-garoobayeen tartankan oo Arbacadii ku martigeliyeen Austria.

Xidhiidhka kubadda cagta England ayaa xaqiijiyey, in Trent Alexander-Arnold aanu qayb ka noqon doonin xulka qaranka England, dibna uu ugu noqonayo kooxdiisa si uu uga soo kabto dhaawacan oo uu garoomada kaga maqnaanayo afar illaa lix toddobaad, taas oo ka dhigan in inta uu tartanku socdo aanu soo kaban karin.

Kaddib baadhitaan lagu sameeyey Khamiistii iyo sawirro laga  qaaday, waxay muujiyeen in uu dhaawacu ka gaadhay muruqa oo markii horeba la dareemayay.

Tani waxay ka dhigan tahay, in Trent Alexander-Arnold uu si toos ah uga baxay xulka oo xataa haddii aanu Gareth Southgate qaadan lahayn go’aan ah in lagu beddelo ciyaartoy kale, in aanu taam u noqon karaynin tartanka Euro.

Dhaawaca soo gaadhay Trent Alexander-Arnold ayaa waxa lagu tilmaamay jug weyn oo soo gaadhay rajadii xulka qaranka England ee tartankan oo ay ugu dambaysay in ay ku guuleystaan sannadkii 1996kii.

England ayaa laba jeer oo kaliya timid finalka tartankada qaramada Yurub, waxaanay kala ahaayeen 1996kii oo ay hanteen iyo 1968kii, hase yeeshee sannadkan ayay ku jiraan dalalka lala xidhiidhinayo.

Halyeyga reer England ee Gary Lineker ayaa bartiisa Twitter-ka kaga falceliyey dhaawacan, waxaana uu sheegay, in Alexander-Arnold oo maqnaada ay dhaawac ku tahay xulkooda, waxaanu yidhi: “Trent Alexander-Arnold waa difaaca midig ee ugu wanaagsan dunida ee weerarka geeya kubadda. Ceeb iyo jug ayay ku tahay, in aanu weyyno.”

Taageereyaasha England ayaa iyaguna baraha bulshada kaga falceliyey, waxaanay isku raaceen, in Trent Alexander-Arnold uu dhaawaciisu hoos u dhigayo awooddii qarankooda.