WAA IIB: Saddex Xiddig Oo Kamida Xiddigaha Waaweyn Ee Real Madrid Oo

Xiddigaha kooxda Real Madrid ee Marcelo Vieira, Isco iyo Gareth Bale ayuu Carlo Ancelotti u yahay tababare cusub oo maamulka kooxda la wareegay balse xaaladooda ayaa ahaan karta isla sidii hore iyadoo imaatinkiisu uusan waxba ka badalayn xaqiiqada ah inay iib yihiin.

Dadka qaar ayaa qabay in imaatinka Ancelotti uu war wanaagsan u noqon doona xiddigaha waaweyn ee uu hore ula soo shaqeeyay iyadoo ay saddexdaas xiddig muhiim u ahaayeen guulihii tababaraha ree Talyaani ee wakhtigiisii hore ee kooxda.

Si kastaba, intii uu ku jiray shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyay, Ancelotti ayaan ku jirin dareen uu xiddihaha qaar ugu balanqaado inay sii joogayaan, qaab ciyaareedkooda ayaa la filayaa in lagu xukumi doono mustaqbalka xiddigahaas.

Ancelotti ayaa taariikh ku leh xaaladaha noocan oo kale ah, markii uu Real Madrid kusoo biiray sanadkii 2013 ayuu kooxda sidan oo kale ugu sugayay Ricardo Kaka oo uu guulo dahabi ah kula soo gaadhay AC Milan isla markaana kooxda xaalad adag kaga jiray.

Si kastaba, halyeeyga ree Brazil ayaan qaab fiican u ciyaarin in mudo ah kaddib wadahadalo la galay ayuu Ancelotti ku ogolaaday in kooxda laga diro.

Dhacdadaas ayay tahay inay tusaale ugu filnaato ciyaaryahan kasta oo Real Madrid ka tirsan kaas oo filanaya in qaab ciyaareedkiisii wakhtigii Ancelotti uu ku badbaadi doono oo uu kusii joogi doono.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More