Jose Mourinho ayaaan wax waqti ah iska lumin, waxaanu durba bilaabay shaqo degdeg ah isla maalintiisii ugu horreysay ee uu tababarka u bilaabay.Tababaraha reer Portugal ayaa loo mgacaabay Roma ka hor intii aanu dhamaanin xilli ciyaareedku, waxyar kaddib markii ay Tottenham shaqada ka caydhisay isagoo keenay finalka Carabao Cup, isla markaana sugaya in uu kulankaas hoggaamiyo, koobkana u dagaallamo.Spurs ayaa sugi kari weyday inta uu xilli ciyaareedka dhamaysanayo maadaama ay kooxdu ku jirtay kaalinta toddobaad, laakiin waqti…