Real Madrid ayaa guul-darro kala soo kulantay safar ay ku tagtay magaalada Glasgow ee Scotland oo ay ciyaar saaxiibtinimo marti ugu ahayd kooxda Rangers ee uu tababaraha u yahay halyeygii Liverpool ee Steven Gerrard.Tababare Carlo Ancelotti ayay kooxdiisu shalay gaadhay Scotland iyadoo ay ka maqan yihiin dersin ka mid ah ciyaartoydeeda waaweyn, sida Luka Modric, Kroos, Benzema, Varane, Mendy, Vinicius, Militao, Casemiro iyo kuwo kale.Los Blancos ayaa waqti hore la timid gool uu u dhaliyey da’yarka reer Brazil ee Rodrygo Goes…