N’Golo Kante, Mbappe, Benzema, Lukaku, Alaba – Waddamada Ay Asal Ahaan

25 waddan oo Afrikaan ah ayaa ciyaartooyo u dhashay ay ka qayb-gelayaan tartanka qaramada Yurub ee Euro ee caawa bilaabmaya, waxaana waddanka ugu badan uu yahay Faransiiska oo la xasuusan yahay in xiddigihii u qaaday Koobkii Adduunka 2018 ay ahaayeen laacibiin madow ah.

Min France, Portugal, England illaa Switzerland, waxa ka buuxa ciyaartooyo asaal ahaantooda kasoo jeeda Afrika oo ay waalidkood u haajireen qaaradda Yurub, kuwo yaraantoodii tegay iyo laacibiin kale oo awoowyaashood ay halkaas tageen, halka qaarkood ay ahaayeen addoomihii laga daad-gureeyey woqooyiga Afrika.

Karim Benzema oo u dhashay waddanka Algeria aabbihii iyo hooyadiina ay halkaas u guureen ka hor intii aanu isagu dhalanin ayaa ka mid ah xiddigaha caanka ah, laakiin Kylian Mbappe ayaa lagu qoray laba waddan oo kala duwan oo midka hore yahay Algeria sida warbaahintu qortay, halka waddanka kale ee la geliyey liiska ciyaartoyda asal ahaanta kasoo jeeda uu yahay Cameroon.

Kylian Mbappe ayaa hore ay dadka qaarkood u sheegi jireen inuu u egyahay Samuel Eto’o oo aanu ku jirin dhiig Carab ahi, waana doodda macquulka ah, marka loo eego muuqaalkiisa jidheed, midabkiisa iyo awooddiisa orodka ee looga  bartay ciyaartoyda Galbeedka Afrika.

Ciyaaryahanadda kaliya ee Bariga Afrika kasoo jeeda ayaa ah Alexander Isak oo u ciyaara xulka qaranka Sweden, waalidkiina ay ka tageen waddanka Eritrea.

Waddanka DR Congo ayaa ciyaartoyda ugu badan ee ka qayb-gelaya Euro ay kasoo jeedaan, waxaana xiddigaha caanka ah ka mid ah Youi Rielemans, Benteke, Batshuayi, Lukaku, Kimpembpe, Mandanda iyo Denis Zakaria.

Mali ayay isagana ka yimaaddeen Adama Traore oo xulka qaranka Spain ku jira, Moussa Sissoko oo dhexda uga ciyaara Faransiiska iyo N’Golo Kante oo isaguna Faransiis ah.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda asal ahaanta Afrika kasoo jeeda:

Karim Benzema (France), Kylian Mbappe (France)

Valentino Lazaro (Austria), William Carvalho (Portugal), Nuno Mendes (Portugal), Ben Cabango (Wales), Jordan Lotomba (Switzerland)

Serge Gnabry (Germany), Nathan Ake (Netherlands)

Yvon Mvogo (Switzerland), Breel Embolo (Switzerland), Kylian Mbappe (France)

Nelson Semedo (Portugal), Edmilson Fernandes (Switzerland), Renato Sanches (Portugal)

Jordan Lotomba (Switzerland), Dedryck Boyata (Belgium), Youri Tielemans (Belgium), Christian Benteke (Belgium), Michy Batshuayi (Belgium), Romelu Lukaku (Belgium), Presnel Kimpembe (France), Steve Mandanda (France), Ken Sema (Sweden), Kevin Mbabu (Switzerland), Denis Zakaria (Switzerland), Jason Denayer (Belgium)

Mathias ‘Zanka’ Jorgensen (Denmark)

Jeremy Doku (Belgium), Nikolai Alho (Finland), Robin Quaison (Sweden), Ethan Ampadu (Wales), Cody Gakpo (Netherlands)

Adama Traore (Spain), Moussa Sissoko (France), N’Golo Kante (France)

Karim Onisiwo (Austria), David Alaba (Austria), Bukayo Saka (England), Jamal Musiala (Germany), Manuel Akanji (Switzerland)

Renato Sanches (Portugal)

Leroy Sane (Germany), Ousmane Dembele (France), Djibril Sow (Switzerland)

Glen Kamara (Finland), Antonio Rudiger (Germany)

Denis Zakaria (Switzerland)

Corentin Tolisso (France), Cody Gakpo (Netherlands)

Wissam Ben Yedder (France)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More