Muxuu Sameeyey Bruno Fernandes Markii Uu Ogaaday In Manchester United

Bruno Fernandes ayaa kusoo laabtay tababarka Manchester United, waxaanay isku beegmeen xilligii ay kooxdiisu isku diyaarinaysay shaacinta heshiiska ay la gaadhay difaaca reer Frnace ee Raphael Varane oo ay kala soo wareegtay Real Madrid.

Intii uu Bruno Fernandes fasaxa ku maqnaa ee kaddib tartankii qaramada Yurub ee uu waddankiisa Portugal kala qayb-galay, kooxdiisa Manchester United ayaa shaacisay laba saxeex oo kala ahaa Jadon Sancho oo ay £73 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Borussia Dortmund iyo Heaton oo si bilaash ah ku yimid.

Laakiin waxa uu goob-joog u ahaa oo isagoo tababarka la qaadanaya kooxdiisa ay Red Devils ku dhawaaqday heshiiskiisa, difaacii Real Madrid ee Raphael Varane oo ay £42 milyan oo Gini ku iibsatay

Salaasadii ayay Manchester United xaqiijisatay in ay heshiis la gaadhay Real Madrid oo ay kala soo wareegayso Varane oo ay isagana heshiis shaqsi ah hore ula gaadhay, laakiin kaliya waxa u dhiman inuu ka gudbo tijaabada caafimaadka.

United ayaa war-saxaafadeed ay fiidnimadii xalay soo saartay ku tidhi: “Manchester United waxay ku faraxsan tahay in ay shaaciso, in kooxdu ay Real Madrid heshiis kala gaadhay iibka difaaca xulka Faransiiska ee ku guuleystay Koobka Adduunka ee Raphael Varane. Ciyaartoyga ayaa mari doona tijaabada caafimaadka.”

Markii ay Manchester United soo saartay qoraalkan, waxa si degdeg ah uga falceliyey Bruno Fernandes oo bartiisa bulshada kusoo qoray farriin uu u dirayo Varane.

Bruno Fernandes ayaa yidhi: “Bilow cusub oo firfircoon!! Waan ku faraxsanahay in aan kusoo laabto ciyaartoyda kooxdayda. Iyo maalin si wanaagsan ku dhamaatay…soo dhawoow Raphael Varane.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More