Man United Oo Lagu Qiyaanay Saxiixa Harry Maguire, Lamela Oo

1. Kubad difaacashada Man United oo noqotay maad

Wax badan ayaa dhacay ka dib markii Man United ay heshay rigoore ay hogaanka ku qabteen markii uu Davinson Sanchez qalad ku galay Martial.

Laakiin haddii difaacashada Sanchez ay aheyd mid xun, waxaa taas qariyay qaabka qosolka leh ee ay kubada u difaacdeen Man United daqiiqado ka dib.

Kubad gacan ah oo la soo tuuray ayaa waxaa madaxeeyay Maguire isagoo damacsanaa inuu bixiyo.

Laakiin bedelkii uu bixin lahaa Maguire wuxuu kubada u celiyay Bailly, kaasoo isna madax kale ku soo celiyay iyadoo Maguire uu mar kale isku dayay inuu kubada u madaxeeyo De Gea.

Luke Shaw ayaa damcay inuu soo dhex galo oo uu kubada bixiyo laakiin isku dhex yaacooda ayaa keentay inuu ka faa’ideysto Ndombele oo uu barbareeyo ciyaarta.

Wax lagu qoslo ayay aheyd.

Bailly iyo Maguire intaas kaliya kuma ekeyn qaladkooda waxay qalad ku lahaayeen inta badan goolasha ay dhalisay Man United iyagoo soo bandhigay difaacasho lagu qoslo. Maguire waa daafaca ugu qaalisan dunida laakiin uma qalmo lacagtii ay United ka soo bixisay.

3. Lamela isna wuxuu mudnaa casaan

Markii ay u muuqatay inay ciyaarta saldhigatay, xalaada Man United ayaa sii xumaatay.

Lamele ayaa casaan u qalqaaliyay Anthony Martial isagoo ka careysiiyay taasoo kenetay in weeraryahan uu jawaab celin sameeyo.

Xiddiga khadka dhexe ee Spurs ayaa xusul wajiga uga dhuftay Martial iyagoo is garab taagnaa xilli ay sugayeen kubad koorno aheyd.

Jawaabta Martial ayaa noqotay inuu wajiga ka dharbaaxo Lamela taasoo keentay inuu Lamela wajiga qabsado dhulkana isku tuuro.

VAR ayaa dib u eegtay dhacdada waxayna go’aansadeen in Martial casaan la siiyo laakiin lama ciqaabin Lamela.

Jawaab celin doqonimo ah ayuu sameeyay weeraryahanka Man United laakiin waxay aheyd in labaduba casaan la siiyo. Lamela nasiib ayuu ku lahaa inaan kaarka cas loo taagin.

Luke Shaw ayaa isna nasiib ku lahaa inuu ka badbaaday casaan ka dib qalad xun uu ku galay Lucas Moura.

3. Solskjaer oo shaqadiisa halis ay ku jirto

In muddo ah ayaa shaki laga qabay awooda tababaraha Manchester United xitaa ka dib horumarkii ay sameeyeen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Laakiin qaab ciyaareedkii caawa, cadaadis ayaa u bilaabanaya Solskjaer iyadoo su’aalo laga keeni doono shaqadiisa.

Seddex kulan ayay ciyaareen horyaalka Premier League, waxay ku jiraan kaalinta 16aad iyagoo leh kaliya seddex dhibcood, waxaana laga dhaliyay 11 gool.

Mana caawineyso inuu caawa ceebeystay ninkii uu isagu ka bedelay shaqada Old Trafford.

Waxay aheyd markii ugu horeysay ee Man United abid laga dhaliyo afar gool qeybta hore ee kulan Premier League ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More