“Maaha In Lay Barbar-dhigo” – Roberto Carlos Oo Diiday In La

Halyeyga Brazil ee Roberto Carlos ayaa wax laga weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha in la barbar-dhigo difaaca reer England ee Luke Shaw oo wacdaro ka dhigay tartanka qaramada Yurub.

Ciyaaryahanadda xulka qaranka England ayaa kulankii Ukraine kaddib waxay bilaabeen in ay Shaw ka beddelaan magaca oo ay ugu yeedhaan Shawberto Carlos, kaddib markii uu kulankaas laba gool caawiye ka noqday isla markaana bandhig heerkiisu sarreeyo muujiyey.

Roberto Carlos ayaa waxa uu hore uga falceliyey bandhiggii quruxda badnaa ee Shaw uu ka muujiyey ciyaartaas, iyadoo uu baraha bulshada soo dhigay sawir ’emoji’ sacab tumaya, xilli uu faallo ka bixinayay qoraal kooban oo uu Luke Shaw soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Si kastaba, warbaahinta PA, ayaa waraysi ka qaadday Roberto Carlos, waxaana wax laga weydiiyey Luke Shaw iyo barbar-dhigga lagu sameeyo, waxaanu yidhi: “Waxa aad arki karaysay kulankii Ukraine sida uu dhiirigelinta u haysto. Horumar badan ayuu sameeyey, ciyaartiisuna way sarraysay. Wuxuu muhiim u ahaa xulka qaranka England sida ciyaartoyda kale.

“Ciyaar kasta horumar ayuu samaynayaa, waxaanay ila tahay in uu leeyahay wax kasta oo uu ku noqon karo ciyaartoy sare. Waa bidixle difaac oo England, taas lafteeda ayaa wax weyn ah.”

Carlos oo xulka qaranka Brazil u ciyaarayay intii u dhaxaysay 1992 illaa 2006, una saftay 125 ciyaarood, waxa uu intaas kaddib ka hadlay barbar-dhigga lagu samaynayo isaga iyo Shaw, waxaanu yidhi: “Anigu ma jecli barbar-dhigga. Waxa aanu ku kala jirnaa laba marxaladood oo gebi ahaanba kubaddu kala duwan tahay. Anigu waqtigayga  waan soo qaatay, isaguna waqtigiisa ayuu qaadanyaa.

“Waxyaabaha aanu ka simanahay ayaase ah, in uu noqon karayo ciyaartoy xooggan oo damaciisu yahay guul, sidii aan aniguba ahaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More