Liverpool Iyo Everton Oo Kulan Jilbaha Looga Murxay Dhibcaha
Liverpool iyo Everton ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Goodison Park kulan faraha looga gubtay oo dhexmaray labada kooxood ee deriska ah kuwaasoo ku kala baxay barbaro 2-2 ah.
- Advertisement -
Reds ayaa ilaashatay rikoodhkeeda guuldarro la’aanta ee kulanka Merseyside Derby iyadoo aan haatan laga badinin 23 kulan oo isku xigta halka Everton ay sii xajisatay booskeeda kaalinta koowaad ee horyaalka iyagoo seddex dhibcood ka sareeya Liverpool oo haatan kaalinta labaad ku jirta ka dib shan kulan oo ay ciyaareen.
Mohamed Salah ayaa isku qoray buugta taariikhda Liverpool markii uu dhaliyay goolkiisii 100aad ee Reds halka Everton uu dhamaadkii ciyaarta casaan ka qaatay Richarlison, iyadoo VAR ay muran dhalisay waqtigii dhimashada ciyaarta markii ay offside ciriiri ahaa ku diideen gool uu dhaliyay Jordan Henderson oo ay Liverpool seddexda dhibcood ku heli laheyd.
SHAXDA AY LABADA KOOXOOD KU SOO GALEEN:
Liverpool: Adrian, Alexander-Arnold, Robertson, Matip, Van Dijk, Fabinho, Thiago, Henderson, Mane, Salah, Firmino.
Keyd: Kelleher, Wijnaldum, Milner, Gomez, Jones, Minamino, Jota.
Everton: Pickford, Digne, Coleman, Keane, Mina, Allan, Doucoure, Gomes, Rodriguez, Richarlison, Calvert-Lewin.
Keyd: Olsen, Delph, Sigurdsson, Iwobi, Bernard, Godfrey, Davies.
Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh iyadoo ay ku qaadatay kaliya seddex daqiiqo inay hogaanka u qabtaan markii uu garabka bidix Andy Robertson ku soo dhaafay Seamus Colman isagoo kubada u celiyay Sadio Mane kaasoo shabaqa meel kore ka geliyay isagoo aan wax fursad ah siinin goolhaye Jordan Picford.
Reds ayaa musiibo ay u soo hooyatay daqiiqado ka dib markii daafacooda adag Virgik Van Dijk uu dhaawacmay ka dib qalad xun uu goolhaye Picford kula galay xerada ganaaxa, Everton ayaana ka badbaaday in rigoore laga dhigo ama casaan la siiyo goolhayahooda madaama qaladka ka hor uu Van Dijk offside ahaa, tababare Klopp ayaana lagu qasbay inuu ku bedelo Joe Gomez.
Daqiiqado ka dib markii uu baxay Van Dijk, Everton ayaa fursad u heshay inay barbareyso ciyaarta daqiiqadii 19aad, koorno uu soo qaaday James Rodriguez ayaa waxaa madax ku dhaliyay Michael Keane iyadoo goolhaye Adrian uu kubada taabtay balse awoodi waayay inuu shabaqa ka celiyo.
Reds ayaa isla qeybtii hore u dhawaatay inay mar kale hogaanka ku soo noqdaan markii laad xor oo qurux badan oo uu qaaday Trent Alexander-Arnold islamarkaana gool loo fishay uu badbaadiyay goolhaye Picford. Labo jeer kalena Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa kubado fursado halis ahaa waxay kaliya u baaseen goolhayaha bedelkii ay darbo xoog leh tuuri lahaayeen.
Halka goolhaye Adrian uu bixiyay kubad dheer oo ay Everton soo qaadeen dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay barbaro gool iyo gool ah.
Bilowgii qeybta labaad Liverpool ayaa si dardar leh ku bilaabatay ciyaarta iyagoo durbadiiba helay fursado ay ugu weyneyd mid soo martay kabtankooda Jordan Henderson kaasoo ku celiyay kubad ay madax ku soo bixiyeen Everton laakiin kubada oo gool loo fishay waxay ciriiri ku hareermartay birta goolka.
Daqiiqadii 49aad ayay Everton iyaguna heshay fursad gool loo fishay markii Lucas Digne uu ka soo xarooday garabka bidix, wuxuu goolka hortiisa kubad ugu dhigay Calvert-Lewin kaasoo ku guuleystay inuu kubada hareermariyo goolhaye Adrian laakiin daafaca Liverpool ayaa cirib ku soo bixiyay ka hor inta uusan Adrian isku duubin.
Daqiiqadii 59aad Everton ayaa ku dhawaatay inay hogaanka u qabato ciyaarta markii karoos uu soo qaaday James uu madax ku taabtay Richalison laakiin waxay kubada ku dhacday birta oo soo beenisay.
Daqiiqadii 72aad Liverpool ayaa ku soo laabatay hogaanka ciyaarta markii karoos uu soo qaaday Jordan Henderson ay iska bixiyeen Everton laakiin waxay kubada u dhigeen Mohamed Salah oo su qurux badan u dhaliyay kaasoo kubada darbo ku qabtay ka hor inta aysan dhulka gaarin isagoo aan wax fursad ah siinin goolhaye Pickford.
Mohamed Salah ayaa isku qoray taariikhda Liverpool madaama goolkaan uu ahaa goolkiisii 100aad ee uu u dhaliyo kooxda Reds. Wuxuu goolashaan ku gaaray kaliya 159 kulan uu saftay.
Daqiiqadii 77aad Liverpool ayaa ku dhawaatay inay dhaliso goolka seddexaad markii koorno la soo qaaday uu madaxeeyay Joel Matip laakiin waxaa si fantastik ah hal gacan ku bixiyay goolhaye Pickford.
Hogaanka Liverpool ma uusan noqonin mid waara iyadoo daqiiqadii 80aad ay Everton heshay goolka barbaraha ka dib kubad rogaal celis deg deg ah oo ay qaadeen, Lucas Digne ayaa kubad karoos uu ka keenay garabka bidix waxaa u kacay oo madax ku dhaliyay xiddiga shabaqa laga celin la’ yahay xilli ciyaareedkan ee Calvert-Lewin.
Daqiiqadii 82aad Reds ayaa mar kale ku dhawaatay inay shabaqa soo taabato iyado Jota oo bedel ku soo galay uu sigay goolka.
Daqiiqadii 88aad Everton waxaa casaan toso ah ka qaatay xiddigooda Rucharlison kaasoo qalad xun oo halis ahaa ku galay xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Thiago Alcantara.
Liverpool ayaa mooday inay dhaliyeen goolka guusha daqiiqadii 2aad ee shan daqiiqo oo lagu daray goolka markii Jordan Henderson uu shabaqa ku taabtay kubad uu u soo celiyay Sadio Mane laakiin Mane ayaa offside ahaa markii uu kubada ka helayay Thiago.
Ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah iyadoo labada kooxood ee deriska ah dhibcaha kala qeybsadeen.