Labo Xiddig Oo Ka Tagay Liverpool Saacad Ka Hor Inta Uusan
Kooxda Blackpool ayaa ku dhawaaqday inay heshiis amaah ah kula wareegtay xiddiga Liverpool Ben Woodburn.
- Advertisement -
Xiddiga reer Wales ayaa ku biiray kooxda Blackpool isagoo la joogaya ilaa iyo 17ka bisha Janaayo ee sannadka soo socda.
Woodburn ayaa yiri: “Isha ayaan ku hayaa inaan mar kale kubad ciyaaro. Tababare Neil Critchley saameyn weyn ayuu igu yeeshay intii uu joogay Liverpool, si fiican ayuu ii garanayaa ciyaaryahan ahaan.
“Waxaan rajeynayaa inaan xiriir fiican yeelan doono oo aan mar kale guulo wada gaari doono.”
Dhanka kale Harvey Elliott ayaa ogolaaday heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah uu ugu wareegayo kooxda Blackburn Rovers iyadoo ciyaaryahanka iyo Liverpool ay rajeynayaan in heshiiska la soo gabagabeeyo ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga Ingariiska xirmin caawa fiidkii.
Liverpool ma aysan dooneynin inay amaah ku bixiso Elliot, laakiin madaama ay ka hareen koobka Carabao Cup islamarkaana ciyaartoy kale ay keensadeen kooxda, waxay u arkeen inuu horumar ku sameyn doono kooxda Blackburn.
Tababaraha kooxda Blackburn Tony Mowbray ayaa lagu yaqanaa inuu si fiican u la shaqeeyo xiddigaha da’da yar ee weerarka.
Liverpool ayaa sidoo kale u dooratay Blackburn inay kaliya saacad u jirto islamarkaana shaqalaahooda tababarka ay isha ku heyn karaan horumarkiisa.
Suuqa kala iibsiga Ingariiska ayaa xirmaya 5pm saacada UK ama 7pm waqtiga Geeska Afrika