Juventus Oo Guul 3-0 Ah La Siiyay Ka Dib Markii Napoli Ay

Juventus ayaa guul 3-0 ah loo qoray ka dib markii kooxdii ay la ciyaari lahaayeen ee Napoli ay imaan weysay garoonka kulankoodii horyaalka Serie A madaama ay baqdin ka qabeen Korona Fayras.

TV-yada baahin lahaa ciyaarta ayaa fariin ku soo qoray shaashada taasoo u qorneyd: “Waxaan sugeynaa kooxda martidaiyadoo ay baaqatay ciyaartii ka dhici laheyd garoonka Allianz Stadium.

Kooxda tababare Gennaro Gattuso ayaa shalay laga mamnuucay inay u safraan magaalada Turin oo ay kulanka Serie A ku lahaayeen caawa.

Waaxda caafimaadka ee magaalada Napoli ayaa soo dhex gashay ciyaarta ka dib markii kulankii ugu danbeeyay ee ay Napoli la ciyaartay Genoa uu sababay inuu faafo fayraska iyadoo uu ku dhacay 17 ka mid ah ciyaartoyda Genoa.

Juventus ayaa seddex dhibcood la siiyay ka dib markii ay Napoli soo xaadiri weysay garoonka.

Napoli ayaa ku balansaneyd inay u safarto Turin habeenkiii Sabtida si ay caawa u ciyaaraan laakiin maamulka magaaladooda ayaa u diiday.

Axadii la soo dhaafay Napoli waxay 6-0 ku xasuuqeen Genoa laakiin kulankaas ka dib waxaa la ogaaday in Korona Fayras uu hayay 22 ka mid ah ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda Genao.

Labo ka mid ah ciyaartoyda Napoli iyo shaqaalaha kooxda ayaa iyagana laga helay Korona Fayras.

Piotr Zielinski iyo Eljif Elmas ayaa ahaa ciyaartoyda la xaqiijiyay inuu cudurka ku dhacay ilaa iyo haatan iyadoo baaritaano kale lagu sameyn doono ciyaartoyda.

Juventus ayaa sidoo kale iyagana dhibaato u gaar ah ku qabay Korona Fayras iyadoo laga helay labo ka mid ah shaqaalahooda tababarka.

Laakiin Juventus ayaa shalay xaqiijisay inay garoonka soo geli doonaan sida qorshaha uu ahaa inkastoo walaac dhanka caafimaadka ah uu jiray.

Sharciga Serie A iyo sida uu qabo kan UEFA ayaa ah in kulamada aan la baajin karin haddii koox ay la soo safri karto 13 ciyaaryahan oo goolhaye uu ku jiro.

Laakiin maamulka dowlada hoose ayaa ka horyimid sharciga kubada cagta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More