Jose Mourinho Oo Ikhtiraacay Qaab Cajiib Ah Oo Ciyaaryahanadda Lagu Tuso

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa ikhtiraacay qaab cusub oo lagula socon karo qaladka ay sameeyaan ciyaartoydu waqtiga ay tababarka ku jiraan xilligan ay isku diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.

Mourinho ayaa isbeddello ka sameeyey garoonka tababarka kooxdiisa cusub ee Roma ee Giallorossi’s Trigoria, halkaas oo ay kulankoodii ugu horreeyey ee saaxiibtinimo na ku geysteen xasuuqii ugu weynaa sannadahan dambe oo 10 gool iyo eber ay ku dubteen koox yar oo ay la ciyaareen.

Garoonka dishiisa ayaa waxay ciyaartoydu ku arkeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones oo ay ku rakiban yihiin kaamirooyin duubaya dhaqaaqa ay samaynayaan oo dhan, taas oo ay uga  horreysay shaashad weyn oo loogu rakibay garoonka dhexdiisa oo markii ay arkayeen aanay fahamsanayn ujeeddada uu Mourinho ka leeyahay.

Markii uu tababarku usoo dhamaaday ayuu Mourinho iskugu yeedhay ciyaartoyda kooxdiisa oo dhan, waxaana mar kaliya loo daaray/shiday muraayadda weyn ee garoonka lagu rakibay, taas oo laga tusiyey qaladaadkii ay sameeyeen waqtigii tababarka.

Mourinho ayaa ciyaartoyda kooxdiisa mid walba u tilmaamay qaladka uu galay iyo sidii aanu u fulinin xeeladihii uu siiyey markii uu tababarka u bilaabay.

Special One oo horraantii xagaagan loo magacaabay tababaraha Roma ayaa laga sugayaa in uu isbeddello ku sameeyo kooxda oo uu dib u dhiso kaddib sannado ay dunsanaayeen, waxaana uu toddobaadkii hore xaqiijiyey saxeexiisii ugu horreeyey oo noqday goolhayaha xulka qaranka dalkiisa ee Rui Patricio oo ay kasoo qaateen Wolves.

Waxa kale oo ay sugayaan khadka dhexe ee Arsenal ee Granit Xhaka oo la sheegay in ay u socdaan wada-hadallo meel fiican maraya, illaa £15 milyan oo Gini na ay kula soo wareegayaan.

Waxa kale oo uu Mourinho rajaynayaa in uu helo midkood labada difaac  bidix ee Manchester United iyo Chelsea ee ALex Telles iyo Emerson Palmieri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More