Iska Illow Van Dijk, Ruben Dias, Maguire & Thiago Silva – Raphael

Difaaca reer France ee Raphael Varane ayaa noqonaya ciyaartoyga booskiisa ah ee ugu mushaharka badan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League haddii uu ka gudbo tijaabada caafimaadka oo uu u marayo Manchester United oo xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiskiisa.

Manchester United ayaa Varane ka dhigtay saxeexii saddexaad ee xagaagan, waxaana ka horreeyey goolhaye Tom Heaton oo si bilaash ah ay kaga soo qaateen Aston Villa iyo Jadon Sancho oo £73 milyan oo Gini ay kaga soo iibsadeen Borussia Dortmund toddobaadkii hore.

Red Devils ayaa xalay ku dhawaaqday in ay heshiis la gaadhay Real Madrid oo ay £42 milyan oo Gini kula soo wareegayso Varane, tijaabada caafimaadkana uu mari doono maalmaha soo socda.

Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa ogaaday mushaharka uu Varane ka qaadan doono Manchester United, inkasta oo aanay wali kooxdu si rasmi ah u xaqiijin.

L’Equipe waxa uu sheegay in Varane uu toddobaadkii qaadan doono mushahar gaadhaya €250,000 Euro oo u dhiganta £210,000 Gini usbuucii, taas oo ka dhigaysa ciyaartoyda difaaca ah ee ugu mushaharka  badan guud ahaan horyaalka Premier League.

20ka difaac dhexe ee ugu mushaharka badan ayuu kaalinta koowaad ka galay, waxaanu booska kala baxay kabtanka Manchester United ee Harry Maguire oo £190,000 Gini ay toddobaadkii ku dhacdo qasnaddiisa, halka uu Virgil van Dijk kaalinta saddexaad ku jiro oo uu toddobaadkii qaato £180,000 Gini.

Halkan kaga bogo 20ka difaac dhexe ee ugu mushaharka badan horyaalka Premier League:

20. Ibrahima Konate – £70,000 – toddobaadkii

=18. Joe Gomez – £75,000-toddobaadkii

=18. Phil Jones – £75,000-toddobaadkii

17. Ben Godfrey – £76,923-toddobaadkii

=16. Andreas Christensen – £80,000-toddobaadkii

=14. Jonny Evans – £80,000-toddobaadkii

=14. Eric Bailly – £80,000-toddobaadkii

13. Pablo Marí – £85,000-toddobaadkii

12. Nathan Ake – £92,308-toddobaadkii

=9. Joel Matip – £100,000-toddobaadkii

=9. Antonio Rudiger – £100,000-toddobaadkii

=9. John Stones – £100,000-toddobaadkii

8. Thiago Silva – £110,000-toddobaadkii

7. Ruben Dias – £115,385-toddobaadkii

=4. Victor Lindelof – £120,000-toddobaadkii

=4. Aymeric Laporte – £120,000-toddobaadkii

=4. Yerry Mina – £120,000-toddobaadkii

3. Virgil van Dijk – £180,000-toddobaadkii

2. Harry Maguire – £190,000-toddobaadkii

1. Raphael Varane – £214,000-toddobaadkii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More