Inta Aan La Seexday Ronaldo Ayaa Ka Badan Intaan La Seexday Xaaskeyga

Roberto Carlos ayaa sheegay inuu la seexday Ronaldo in ka badan intii uu la seexday xaaskiisa, isagoo si faahfaahsan uga hadlay xiriirkii walaaltinimo ee kala dhaxeeyay halyeeyga reer Brazil.

Labada xiddig ee reer Brazil ayaa qeyb ka ahaa halyeeyadii real Madrid sida Zinedine Zidane, Luis Figo iyo David Beckham.

Laakiin waxay u muuqataa in Carlos iyo Ronaldo ay ahaayeen walaalo aad isagu dhow mudadii ay wada joogeen Actual Madrid iyo xulka Brazil.

Daafaca bidix Roberto Carlos ayaa hadalkiisa kaga yaabiyay xaaskiisa reer Brazil Mariana Luccon oo ay isguursadeen sannadkii 2009.

Laakiin xiddigii ku guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 2002 ayaa xiriir aad u dhow la lahaa Ronaldo.

Barnaamij ay ka sameysay warbaahinta DAZN, Carlos ayaa yiri: “Wax walba uu Ronaldo uu sameeyo wuxuu u sameeyaa sida ugu fiican.

“Waxaan la seexday isaga in ka badan intii aan la seexday xaaskeyga. Wax walba ayaa la sameeyay Ronaldo. Xad iyo xad l’aanba. Tan iyo 1993dii wuxuu ahaa walaalkeey.”

Ronaldo oo 44 sanno jir ah ayaa dhaliyay 62 gool 98 kulan uu u saftay xulkiisa, wuxuu sidoo kale u soo dheelay kooxaha PSV, Barcelona iyo Inter Milan.

Carlos oo 48 sanno jir ah oo 125 kulan u saftay xulka Brazil ayaa 11 sannadood wuxuu joogay Actual Madrid.

Roberto Carlos ayaa dabcan dhanka koobabka ka badan Ronaldo isagoo ku guuleystay seddex Champions League iyo afar La Liga mudadii uu joogay Los Blancos.

Ronaldo wuxuu kaliya ku guuleystay hal koob oo La Liga ah, iyo min hal koob oo UEFA Cup, Cup Winners Cip, Spanish Cup iyo Dutch Cup.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More