Skip to content
Sunday, October 18, 2026 6 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:43
Muqdisho 29°C
Breaking: Teacher tackled suspect in US school shooting, police say
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Horyaalka Serie A Oo Laga Mamnuucay Maaliyadaha Ama Garamada Cagaaran

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Laacib

Kooxaha horyaalka Serie A ayaa laga mamnuucay inay xirtaan maaliyad cagaaran laga bilaabo xilli ciyaareedka 2022-23 ka dib isbedelo lagu sameeyay sharciga horyaalka Talyaaniga.

Sida ay sheegtay Football Italia, sharcigaan ayaa dhaqangalay wixii ka bilowda sannadka danbe ka dib markii ay shirkada telifishinada ay walaac ka muujiyeen maaliyadaha cagaaran ee ay kooxaha xirtaan madaama uu midabkaas ku milmayo cawska garoonka oo isaguna cagaar ah.

Si loo kala garto cawska cagaaran iyo ciyaartoyda garoonka ku jirta horyaalka Serie A ayaa ka mamnuucay kooxaha inay maaliyad cagaaran garoonka ku soo galaan wixii ka danbeeya sannadka soo socda ee 2022.

Waxayna tani la micno tahay in kooxda Sassuolo lagu qasbi doono inay dib uga fekerto midabada maaliyadeeda koowaad oo ka kooban cagaar iyo xariiqmo madow ah.

Sassuolo kaliya kuma ciyaarin maaliyad cagaar ah xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. Atalanta ayaa iyadana sameysatay maaliyad midab cagaaran leh, halka Lazio ay maaliyadeeda martida ka dhigatay midabka cagaarka ah.

Sharcigaan cusub ayaa sidoo kale saameynaya buumaha iyo sigsaanta.

How do you rate this story?

0 votes