Erling Haaland → Chelsea, Pogba → Barca & Xiddig 361 Milyan
Inkastoo suuqa kala iibsiga Yurub uu xirmay dhawaan hadana waxaa weli furan suuqa maxaliga ee dalka Ingariiska oo xirmaya 16ka bishaan October halka suuqa kala iibsiga Yurub ee bisha Janaayo ay kaliya inaga xigto labo bilood.
Kooxaha ayaa durbaba isha ku haya xiddigaha ay doonayaan bisha Janaayo ama xagaaga soo socda, shabakada Laacib ayaa halkaan idiin kugu soo koobeysa wararkii ugu waa weynaa ee ay qoreen wargeysyada Yurub.
Chelsea ayaa lagu waramayaa inay qorsheyneyso inay xagaaga u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka laga yaaban yahay ee kooxda Borussia Dortmund iyo xulka Norway Erling Haaland iyadoo ku riyoonaya inay helaan weerarka riyada oo ka kooban Havertz, Werner iyo Haaland. (The Sun)
Bayern Munich ayaa sheegtay in Manchester United aysan marnaba kala soo xiriirin saxiixa Kingsley Coman inkastoo xiddigaan lala xiriirinayay inuu xagaagan u dhaqaaqayo Old Trafford. (The Sun)
Liverpool ayaa dooneysa hal milyan ginni si ay Swansea City amaah ugula wareegto xiddigeeda Harry Wilson. Wilson ayaa ka mid ah shan xiddig oo ay Liverpool dooneyso inay iska dirto ka hor inta uusan suuqa maxaliga ee UK xirmin berri oo Jimce ah. (The Sun)
Borussia Dortmund diyaar uma ahan inay iibiso Jadon Sancho bisha Janaayo taasoo soo gabagabeyn karta qorshihii Manchester United ee bartamaha xilli ciyaareedka. (Daily Mirror)
Barcelona ayaa la raaceysa inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe Paul Pogba marka uu dhaco qandaraaskiisa Manchester United xagaaga danbe. (Daily Mirror)
Juventus ayaa qorsheyneysa inay dalab 361 milyan ginni ka gudbiso xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappe taasoo dhabarjab xoohan ku ah kooxaha Real Madrid iyo Liverpool oo xiiseynayay saxiixa xiddiga reer France, Juve ayaa laga yaabaa inay heshiiska ka qeyb dhigto Cristiano Ronaldo. (Daily Express)
Chelsea ayaa dooneysa inay ka faa’ideysato xaalada qandaraas ee Paulo Dybala ee kooxda Juventus iyagoo doonaya inay lacag jaban kula soo wareegaan xiddiga reer Argentina. (Daily Express)
Xiddiga Jarmalka ee kooxda Arsenal Mesut Ozil oo 31 sanno jir ah ayaa iska diiday fursad uu uga tagi lahaa Gunners islamarkaana uu mushahar 200 kun ginni isbuucii ku qaadan lahaa isagoo dalab ka helay koox ka dhisan Sacuudiga horaantii bishaan. (Daily Express)