“Dhakhtar Cilmi-nafsi Ah Ayaan La Hadlay Si Aan Akhlaaqaddayda U

Xiddiga Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa qirtay in uu la tashaday dhakhtar cilmi-nafsi ah si uu u hagaajiyo akhlaaqaddiisa oo mararka qaarkood ay dadku saluug ka muujiyaan, gaar ahaan waqtiyada uu garoonka ku jira iyo xilliyada ay tababareyaashiisa wada-hadlayaan ba.

Lautaro Martinez oo xagaagii hore si weyn loola xidhiidhinayay Barcelona ayaa ku negaaday kooxdiisa isagoo kula guuleystay horyaalka Serie A.

Laakiin 23 jirkan ayaan si buuxda ugu qanacsanayn bandhiggiisa garoomada, sababtoo ah tirada kaadhadhka digniinta ah ee uu qaatay ayuu dareensan yahay inay ka turjumayaan in aanu akhlaaq ahaan wanaagsanayn.

Dabeecaddiisa qallafsan iyo cadhada uu mararka qaarkood xataa tababarihiisa kala hortago sidii dhacday xilli ciyaareedkii tegay, ayaa keentay in uu la xidhiidho dhakhtar cilmi-nafsi ah oo uu kala tashado sidii uu isbeddel dabeecadeed u samayn lahaa.

“Waxa aan heer muhiim ah ka joogaa xirfaddayda, sannadkanna waxa aan dareemay wax aanan hore u ogayn.” Ayuu yidhi Lautaro Martinez oo intaa ku daray: “Waan ku faraxsanahay kuna qanacsanahay waahayga, wax kasta oo aan u qabtay Inter waxay iga caawinaysaa xulkayga qaranka. Horumar ayaan samaynayaa jidh ahaan, waxa aanan u tababaranayaa si taxadar leh si aan jidhkayga u dhiso.

“Laakiin waxa aad iigu adkaatay sidii aan uga shaqayn lahaa maskaxdayda. In aan aabbo noqday ayaa iga caawisay in aan wax badan xalliyo bannaanka garoonka. Cilmi-nafsi ayaa iga caawiyey in aan yareeyo gadoodka oo aan kaadhadh yar qaato.

“Bal eeg xogta, waad arki karaysaa in aan horumar sameeyey. Xilli ciyaareed cusub ayaa soo socda, waxaana ku xiga Koobka Adduunka 2022.”

Martinez ayaa xilli ciyaareedkii 2019-20 waxa uu qaatay 11 kaadh oo digniin ah iyo hal kaadh oo casaan ah, laakiin xilli ciyaareedkii tegay waxa kaliya oo la siiyey shan kaadh oo digniin ah halka aanu wax kaadh casaan ah qaadanin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More