Denmark Oo Si Cajiib Ah Ugu Soo Gudubtay Wareegga 16ka Xilli Belgium

Xulka qaranka Denmark ayaa si cajiib ah ugu soo baxay tartanka qaramada ee Euro 2020 oo ay rajo la’aan ka ahaayeen illaa laga soo gaadhayay kulankii ugu dambeeyey ee caawa oo ay xasuuq ugu geysteen Ruushika.

Denmark ayaa niyad-jab ku bilowday tartanka Euro, waxaana ciyaartii koowaad garoonka dhexdiisa ku dhacay xiddigooda Christian Eriksen oo uu kusoo booday wadne xanuun, kaas oo murugadii ay ka qaadeen uu saameeyey ciyaartooda.

Ciyaartii ugu horreysay ayaa Denmark oo murugaysan waxa guul-darro lama filaan ah ay kala kulmeen dalka ugu liitay hormadan oo ahaa Finland, waxaana khasaare kale u raaciyey Belgium.

Kulankii ugu dambeeyey hormadooda ayay caawa soo galeen iyagoon wax dhibco ah sidanin, laakiin u baahan inay guul weyn gaadhaan, sidoo kalena Belgium ka badiyo Finland, taas oo u xaqiiqowday.

Denmark ayaa guul weyn oo 4-1 ah ka gaadhay Ruushka, waxaanay soo galeen kaalinta labaad iyagoo farqiga goolasha kaga sare maray Ruushka iyo Finland, waxaanay garab weyn ka heleen Belgium oo 2-0 ku garaacay Finland oo haddii ay badin lahayd amaba barbarro geli lahayd soo gudbi lahaa.

Daqiiqaddii 38aad ayuu Mikkel Damsgaard goolka koowaad u dhaliyey Denmark, waxaana mid labaad ku daray markii lagu soo noqday qaybta dambe Yussuf Poulsen, hase yeeshee Ruushka ayaa helay rikoodhe ay niyaddoodu kusoo laabatay waxaana u saxeexay Artem Dzyuba.

Laba gool oo kale oo dran doori ah ayay heleen Denmark waxaana u kala dhaliyey Andreas Christensen iyo Joakim Maehle.

Dhinaca kale, xulka qaranka Belgium ayaa 2-0 ku garaacay Finland waxaanay xaqiijisteen in sagaal dhibcood ay ka urursadaan saddexdii kulan ee wareegga hormooyinka iyagoo sidaasna kula mid noqday Talyaaniga iyo Holland oo min sagaal dhibcood ka helay kulamadoodii wareegga hormada.

Goolka koowaad ee Belgium waxa iska dhaliyey goolhayaha Finland ee Lukas Hradecky, waxaana midka labaad raaciyey Romelu Lukaku oo sidoo kalena laga diiday gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More