Dagaalka Afka Ah Ee U Dhaxeeya Jose Mourinho & Ole Gunnar
Ole Gunnar Solskjaer ayaa mar kale duray Jose Mourinho iyadoo dagaalka dhanka afka ah ee labada tababare ee taxane noqday.
- Advertisement -
Solskjaer ayaa ku maadeystay Mourinho ka dib markii tababaraha Tottenham uu cabasho ka muujiyay biraha goolka ee kulankii Europa League ee ay ka badiyeen kooxda reer Macedonia ee Shkendija isagoo sheegay inay shan sentimitir ka gaabnaayeen sida caadiga aheyd.
Mourinho ayaa isna dhankiisa duray Solskjaer isagoo sheegay in Manchester United ay ku tashato kaliya in rigoore loo dhigo, wuxuuna soo jeediyay in tababare Solskjaer uu jeclaan lahaa in diilinta 18ka loo weyneeyo oo looga dhigo ilaa iyo 22 mitir si ay rigoorooyin badan ugu guuleystaan.
Solskjaer ayaa haatan fursad u helay inuu isna markii duro Mourinho iyo kooxdiisa Tottenhan ka dib markii Spurs ay u soo gudubtay wareega afaraad ee Carabao Cup iyagoo aan ciyaarin kulankii wareega 3aad oo u baaqday ciyaartoy Korona Fayras uu ku dhacay darteed.
Solskjaer oo kooxdiisa ay habeen danbe kulanka wareega afaraad ee Carabao Cup la ciyaareyso Brighton ayaa la weydiiyay horumarka ay ka sameyn doonaan koobkaan.
Laakiin bedelkii uu su’aasha toos uga jawaabi lahaa, wuxuu uga faa’ideystay inuu ku weeraro Tottenham isagoo ku fadeexeeyay inay wareega afaraad u soo gudbeen iyagoo aan xitaa la soo ciyaarin koox heerka afaraad ah.
Wuxuu yiri: “Waxay ku xiran tahay sida aad u dooneyso inaad ku gaarto finalka.
“Waxaa jira kooxo u soo gudbaya wareega afaraad iyagoo aan xitaa ciyaarin wareegii ka horeeyay”
Waxaa haatan la sugayaa waxa uu hadalkaan ka dhihi doono Mourinho oo kooxdiisa Tottenham ay caawa la ciyaareyso Chelsea, iyadoo la filayo inuu jawaab bixin doono ka dib marka uu soo dhamaado kulanka caawa.