Christian Eriksen Iyo LIXDII Qof Ee Badbaadiyey Noloshiisa Oo Garoonka

Xiddiga reer Denmark ee Christian Eriksen, xaaskiisa iyo lixdii qof ee badbaadiyey noloshiisa markii uu wadne xanuunku kusoo booday bishii hore, ayuu xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ku casuumay kulanka finalka Euro 2020 ee ka dhacay garoonka Wembley Stadium.

Christian Eriksen oo ay da’diisu tahay 29 jir ayaa  ku dhex-dhacay garoonka kulankii ugu horreeyey dalkiisa ee tartanka Euro ee wareeggii Group-yada oo ay la ciyaarayeen Finalnd, markaas oo uu kusoo booday wadne xanuun si degdeg ah uu ugu galay koomo, waxaanay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in muddo kooban uu wadnuhu joojiyey garaaca  kaddibna dib u bilaabay.

Laacibkan oo garoonka dhex-jiifa oo koomo ku jira ayaa waxa lagu xidhay mishiinka CPR oo nasiibkiisa oo wanaagsanaa darteed laga helay garoonka ay ciyaartu ka dhacaysay, halkaas oo dhakhtarka garoonku uu u dhigtay si haddii ay dhacaan waxyaabo degdeg ah uu ugu badbaadin karo. Mishiinkan oo sida caadiga ah aan la dhigin garoomada, ayay xaaladda Eriksen qasab ka dhigaysaa in garoon kasta lagu hayo ugu yaraan hal mishiin oo PCR ah.

In ka badan 10 daqiiqadood oo xaaladdiisa lagula tacaalayay garoonka, waxa loola cararay cusbitaalka oo la dhigay, halkaas oo uu dib ugu helay miyirkiisa, kuna soo kabtay.

UEFA ayaa go’aansatay in Christian Eriksen ay ku marti-qaaddo ciyaarta finalka ee garoonka Wembley ka dhici doonta Sabtida, taas oo dalkiisuna fursad u hayso maadaama ay semi-finalka la ciyaarayaan England habeen dambe.

Wali lama oga in Christian Eriksen uu tegi doono London oo uu Wembley ku daawadan doono finalka, waxaanay ku xidhnaan doontaa xaaladdiisa caafimaad iyo talada dhakhaatiirta, hase yeeshee dhamaan lixdii dhakhtar ee la tacaalay xaaladdiisa, kana badbaadiyey dhimashada ayaa iyagana la casuumay oo tegi doona kulankaas.

Peder Ersgaard oo ka mid ahaa dhakhaatiirtaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu madaxweynaha UEFA ee Aleksander Ceferin ka helo martiqaad VIP ah, dedaalkii uu sameeyey ee ay isaga iyo dhakhaatiirtii la shaqaynaysay ku badbaadiyeen Eriksen na ay ahayd waajib saarnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More