Chelsea Oo Finalka Champions League Kula Ballantay Man Metropolis, Actual

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa finalka kula ballantay Manchester Metropolis kaddib markii ay garaacday Actual Madrid oo ay Stamford Bridge ugu dhiibtay 2-0.

Laba gool oo ay labadii qaybood kala dhaliyeen Timo Werner iyo Mason Mount ayay Chelsea ku xaqiijisatay in laba gool oo jawaab la’aan ah ay ku garaacdo Actual Madrid, iyadoo finalka ugu gudubtay natiijo 3-1 ah marka la isku daro labadii lugood ee labada garoon.

Daqiiqaddii 28aad ayaa kubbad uu birta ka jaray Kai Havertz waxa madax ku qabtay oo hoggaanka u dhiibay Chelsea Timo Werner oo bilowgii ciyaartana laga diiday gool uu hore oo offside ahaa oo uu saxeexay.

Chelsea ayaa heshay fursado badan oo ay goolal ka dhigi karaysay, halka Actual Madrid ay laba fursadood oo kaliya heshay qaybtii hore, kuwaas oo Karim Benzema uu marna toogtay marna madax ku qabtay, isla markaana goolhaye Mendy isku kala bixiyey.

Qaybtii dambe ayuu Mason Mount dhaliyey goolka labaad ee Chelsea, waxaana kubaddaas oo uu ka helay Pulisic oo beddel kusoo galay uu ku qalbi-jabiyey Actual Madrid oo marka horeba ay ku adkayd in ay ku dhowaato goolka Chelsea.

Tababare Thomas Tuchel ayaa farxad kula dabbaal-degay kooxdiisa Chelsea oo uu finalka keenay, iyadoo sannadkii horena uu finalka ku hoggaamiyey PSG oo iyaduna sannadkan semi-finalka ay ku reebtay Manchester Metropolis.

Finalka Champions League ayay Manchester Metropolis iyo Chelsea ku wada ciyaari doonaan magaalada Istanbul ee waddanka Turkey, gaar ahaan garoonka Ataturk Olympic Stadium ee magaalada Istanbul.

Shaxdii labada kooxood

REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Nacho Fernandez, Eder Militao, Sergio Ramos, Ferland Mendy; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Eden Hazard, Karim Benzema, Vinicius Junior.

Kaydka: Marco Asensio, Marcelo, Andriy Lunin, Federico Valverde, Alvaro Odriozola, Isco, Mariano Diaz, Rodrygo Silva, Diego Altube, Sergio Arribas, Antonio Blanco, Miguel Gutierrez.

CHELSEA (3-4-3): Edouard Mendy; Andreas Christensen, Thiago Silva, Antonio Rudiger; Cesar Azpilicueta, N’Golo Kante, Jorginho, Ben Chilwell; Mason Mount, Kai Havertz, Timo Werner.

Kaydka: Kepa Arrizabalaga, Marcos Alonso, Tammy Abraham, Christian Pulisic, Willy Caballero, Kurt Zouma, Olivier Giroud, Callum Hudson-Odoi, Hakim Ziyech, Billy Gilmour, Reece James, Emerson.

Toni Kroos ayaa daqiiqaddii 10aad tijaabiyey goolhayaha Chelsea ee Mendy, waxaana kubbad uu ka toogtay bannaanka labada gacmood si adag ugu qabtay Mendy oo dhulka iskula sii tuuray.

Antonio Rudiger ayaa laba daqiiqadood gudahood kaga jawaabay laad awood badan oo uu faraha ku jaray Thibaut Courtois oo ku qasbanaaday in uu kubadda soo tufo.

Chelsea ayaa daqiiqaddii 18aad ewaxay dhalisay gool uu u saxeexay weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo kubbad uu dhinaca kasoo dhiibay ku qabay Ben Chlwell ku hubsaday shabaqa, laakiin waxa markiiba bathroom sheegay in uu offside kusii jiray ka hor inta aanay kubaddu soo gaadhin.

Karim Benzema ayaa isku day qurux badan sameeyey, waxaana kubbad ay 21 baas oo cajiib ah soo samaysay Actual Madrid ay lugta u gashay Karim oo taagan laynka agtiisa, waxaana uu ku toogtay goolka iyadoo uu Mendy dirqi kaga saaray kubadda oo dhinaca midigka galaysay goolka.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!!! 1-0 CHELSEA!!!!!! Timo Werner ayaa madax ku qabtay kubbad uu birta uu ka jaray Kai Havertz taas oo nasiibkiisa uu ka helay goolka hortiisa oo cidlo ah.

N’Golo Kante oo difaaca Actual Madrid soo kala daadiyey ayaa kubadda u dhiibay Kai Havertz oo isaguna kubadda ka dulqaaday goolhaye Thibaut Courtois, waxaanay kusoo dhacday birta iyadoo uu Werner oo hortaagnaa ku qabtay goolka.

Karim Benzema ayaa madax ku qabtay kubbad waxaase iska saaray goolhaye Mendy, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-0.

Chelsea ayaa qaybta dambe heshay fursado tiro badan, waxaana kubbad halis ahayd lumiyey Kai Havertz oo goolhaye Courtois uu ka qabtay, halka Mason Mount uu isaguna birta dul-mariyey kubbad uu dhaafiyey goolhayaha.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! MOUNT!!!! Chelsea 2-0 Actual Madrid!!!! Mason Mount ayaa shabaqa soo taabtay, waxaana kubbad uu khadka dhexe kasoo daadihiyey N’Golo Kante uu u dhiibay Pulisic oo isaguna goolka u hor-dhigay Mount oo rajo la’aan ka dhigay Actual Madrid.

Reece James ayaa kubbad halis ahayd waxa uu ag-mariyey goolka uu waardiyaha ka yahay Courtois, iyadoo difaaca Actual Madrid iyo dhamaan xiddigaheeduba ay jeclaan lahaayeen in garsooruhu uu hore uga dhameeyo ciyaarta.

Chelsea ayay guushu ku raacday 2-0, iyadoo horena 1-1 ay ugu soo kala baxeen lugtii hore, taas oo ka dhigan in celcelis ahaan ay 3-1 guushu ku raacday Chelsea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More