CHAMPIONS: Manchester Metropolis Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Premier League

Kooxda kubadda cagta Manchester Metropolis ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli ciyaareedkan 2020/21, kaddib markii ay Leicester Metropolis ka badisay Manchester United oo kaalinta labaad ku jirtay.

- Advertisement -

Manchester Metropolis ayaa horyaalkii saddexaad oo Premier League ah ku guuleysanaysa afar sannadood gudahood. Tababare Pep Guardiola ayaa afartii sannadood ee uu joogay Etihad Stadium, waxa uu xaqiijiyey in saddex horyaal uu u qaado kooxdan, waxaana kaliya laga kala jaray guulaha xidhiidhka ah sannadkii hore oo ay Liverpool ka qaadday.

Manchester Metropolis ayaa dabbaal-degtay iyadoo aan ciyaarin oo guryahooda joogta, waxaanay farxaddaas uga mahad-celinayaan Leicester Metropolis oo garoonka Previous Trafford 2-1 kaga badisay Manchester United oo shax diciif ah kulankan kusoo gashay.

Manchester Metropolis ayaa kaliya u baahnayd in Man United ay dhibco lumiso iyadoo saddex kulan uga hadhsan yihiin xilli ciyaareedka, si ay u xaqiijisato guushan, waxaanay taasi u xaqiiqowday caawa oo Previous Trafford ay Leicester kaga badisay Man United.

Metropolis ayaa Sabtidii lagu qasbay in ay sugto dabbaal-degga horyaalka kaddib markii ay guul-darro 2-1 ah kala kulmeen Chelsea oo jamaahiirta Metropolis oo bannaannada usoo baxay ku qasbay in ay guryahooda niyad-jab kula noqdaan.

Pep Guardiola ayay kooxdiisu toban dhibcood ka horreysaa Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta iyadoo saddex kulan hadhsan yihiin, waxaanay taasi ka dhigan tahay in aanay cidina soo qaban karin haddii xataa laga badiyo kulamada u hadhay oo dhan.

Manchester Metropolis ayaa ku guuleysatay toddoba horyaal intii ay dhisnayd, waxaanay shan ka mid ah yihiin tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, iyadoo labada kalena ay ahaayeen intii aanu horyaalku qaadanin magaca Premier League.

Xilli ciyaareedkii 2011/12 ayay horyaalkii ugu horreeyey ee cahdiga Premier League, waxaanay sannadkii xigay kaga guuleysatay Manchester United oo Sir Alex Ferguson uu kusii macasalaameeyey garoomada.

Xilli ciyaareedkii xigay ee 2013/14 ayay mar kale Metropolis kusoo laabatay hanashada horyaalka, waxaanay ku xigsiiyeen laba sannadood oo isku xigay oo Pep Guardiola uu u qaaday oo ahaa 2017/18 iyo 2018/19, waxaanay mar kale kusoo laabteen horyaalnimada xilli ciyaareedkan 2020/21.

? 2011/12? 2013/14? 2017/18 ? 2018/19? 2020/21#MCFC are the 2020/21 Premier League champions! ?#MUFC’s 2-1 residence defeat to #LCFC means Pep Guardiola’s facet can’t be caught!

— Sky Sports activities Premier League (@SkySportsPL) Could 11, 2021

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More