Barcelona vs Huesca – Koeman
Barcelona vs Huesca.Barcelona ayaa Huesca ku marti galin doonta Camp Nou waxayna doonaysaa in ay dib ugu soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii niyadjabka lahayd ee Champions Leaque-ga ee todobaadkii hore ee PSG.
Tababare Ronald Koeman ayaa ogsoon in kooxdiisu ay u dhaqaaqi doonto kaalinta labaad haddii ay guuleysato, iyadoo laba dhibcood ka horreysa Real Madrid isla markaana afar dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha Atletico Madrid.
Barcelona waxay heysataa shax adag oo ay hogaaminayaan Lionel Messi, Antoine Griezmann iyo Ousmane Dembele, iyadoo taageero ka heleysa Pedri, Busquets iyo Jordi Alab.
Khadka dhexe, Frenkie de Jong ayaa badalaya Gerard Pique oo dhaawacmay, oo ay weheliyaan Lenglet iyo Mingueza, halka Sergino Dest uu dhexda kujiro.
Ciyaaryahanadda kooxda Barcelona 3-4-2-1 waxaa kamid ah bedelka Firpo, Pjanic, Morbia, Puig, Trincao, Braithwate, Umtiti iyo kuwa kale.
Shaxda rasmiga ah ee labada koox
BARCELONA XI: Ter Stegen; Mingueza, De Jong, Lenglet; Dest, Busquets, Pedri, Alba; Messi, Griezmann; Dembélé (3-4-2-1)
Diiwaanka: Neto (GK), Arnau (GK), Araujo, Umtiti, Firpo, Pjanic, Matheus, Moriba, Puig, Trincão, Braithwaite
HUESCA XI: Fernández; Pulido, Siovas, Insua; Maffeo, Doumbia, Rico, Galán; Escriche; Ferreiro, Mir (3-4-1-2)
Kaydka: Fernández (GK), López, Vavro, Mosquera, Seoane, Carlos, García, Sandro, Gómez, Okazaki, Ontiveros