Rooble oo casuumad rasmi ah u diray madaxda dowlad goboleedy…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya Caasimadda Muqdisho.

Qoraal kooban oo uu soo saaray xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in shirka Sabtida la iskaga wareysan doono howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelinta shaqooyinka harsan.

Shirka Sabtida ayaa imanaya kadib markii uu xalay Ra’iisal Wasaare Rooble uu kulanka dhanka qadka Zoom-ka ah kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho oo aan kulmin wixii ka dambeeyey markii uu dhacay heshiiskii doorashada ee lagu saxiixay Caasimadda Muqdisho.

Xogta shirka Sabtida oo ay hore u baahisay Axadle ayaa waxa uu qeyb ka yahay dar-dar gelinta heshiiskii doorashada iyo kor joogteynta hanaanka doorasho ee hore loogu heshiiyey iyo howlihii qabsoomay.

Shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka furmo Caasimadda Muqdisho ayaa waxa uu qorshuhu yahay inay hortegi doonaan guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo warbixin siin doona madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Sidoo kale xog ay heshay Axadle ayaa waxay sheegeysa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu magacaabi doono guddi dib u heshiisiin ah, kaas oo heer wasiirro ah, waxaana xubnaha guddigaas laga soo kala xuli doonaa xukuumadaha dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland.

Guddiga wasiirrada ah ayaa sida uu qorshaha yahay waxaa loo diri doonaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxayna kasoo tala bixi doonaan qaabka loo xalin karo is-mari waaga maamul ee ka jira gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More