Muxuu ku saabsan yahay shirka Madaxweyne Farmaajo, DG &

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada waxaa xalay ka furmay shir u dhaxeeya Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madax Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waxaana wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Muqdisho oo uu ka maqnaa Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa xalay fiidkii soo gaaray Caasimadda, waxaana isla markii uu soo degay uu ku biiray wada hadalka heer federal & heer Dowlad Goboleed.

Axadle ayaa ogaatay in shirkaan diiradda lagu saarayo dhismaha Guddiiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee xalinta khilaafaadka, doorashada, waqtiga la magacaabayo, tirada xubnaha la doonayo iyo qodobo kale.

Madaxdaan oo heshiis ka gaartay doorashada dalka 13-Cishe kahor, una gudbisay Baarlamaanka Soomaaliya oo si wadajir ah labada aqal u ansixiyay heshiiskaas siyaasadeed ayaa guda galaya dhameystirka qodobada ka dhiman.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in marka ay dhamaato bisha Oktoobar ee Berri curaneysa in dalka uu aadayo doorasho, isla markaana shaqada ay ka bilaabaneyso tan Baarlamaanka Soomaaliya si gaar ah Aqalka sare.

Hogaamiyayaasha waxaa horyaalla fulinta heshiisyadii hore ee 17-kii bishaan codka taageerada ka helay Baarlamaanka Federaalka, sidoo kale waxaa laga sugayaa xubnaha guddiga ah ee dhaqangelinaya qodobadaas.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More