Skip to content
Wednesday, September 16, 2026 3 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 25°C
Breaking: North Western State of Somalia President Meets U.S. Lawmakers and Diplomats in Washington
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Khilaaf saameyn xun yeeshay oo ka dhex-taagan talisyada ciidanka

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Jowhar (Axadle) – Khilaaf xoog leh oo soo kala dhexgalay saraakiisha sare ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa wiiqay howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday gobollo uu ugu horeeyo Shabeellada Dhexe.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA ayaa soo bandhigay in khilaafkaas uu qarxay markii ciidanka xoogga dalka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

- Advertisement -

Sida uu barnaamijkaan u sheegay sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya oo ku sugan Shabeellada Dhexe khilaafkan waxa uu qarxay markii ay ciidanka xoogga Soomaaliya bilaabeen howlgal aan lagu war-gelin AMISOM, kaas oo uu hoggaaminayey Taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Intaas kadib waxaa la sheegay inuu qarxay khilaaf iyo kala aragti duwanaasho xoog leh uu u dhaxeeya saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo ku sugan qeybo badan ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale barnaamijkaan waxaa lagu soo bandhigay xogta ku qorneed warqado ay is dhaafsadeen talisyada SNA iyo AMISOM, kuwaas oo Taliska Militeriga Soomaaliya uu uga dacwoonayo ciidamada Burundi ee ku sugan Shabeellada Dhexe.

Tasliska militeriga Soomaaliya ayaa ciidanka Burundi ku eedeeyey inay Al-Shabaab madadaalinayaan, oo caajis badan uu ku jiro howlgallada naadirka ah oo ay sameeyaan.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo diirada saaraya xogta khilaafka SNA iyo AMISOM

How do you rate this story?

0 votes