DFS oo sheegtay in ay burburisay Gaari Qarax waday & Miino

Ciidamada Miliatirga DFS ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay wadada u dhaxeysa Balcad & Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii gaari dad rayid ah ay la socdeen uu dulmaray miino ku qaraxday.

Dadka deegaanka & saraakiil ciidan ayaa Axadle u sheegay in askarta Dowladda Federaalka ay xirtay qaar kamid ah waddooyinka duleedka ka ah Magaalada Balcad inta uu socday howlgalka miino baarista ah oo waxa ay joojiyeen isu socodka dadka iyo gaadiidka dadka beeraleyda & Xoolo dhaqatada isticmaalaan.

Ciidamada Dowladda Federalka oo labadii cishe ee lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday wadada Balcad uga jiheysan dhanka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa bilaabay miino baaris ay ku sameynayaan wadadaas oo muhiim u ah howlgalkooda.

Saraakiil katirsan DFS ayaa sheegay Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor oo howlgal kawada deegaanno hoosyimaado Afgooye iyo balcad ee Gobollada Shabeelaha hoose & Shabeelaha dhexe ay kahortageen Gaari walxaha qarxa waday.

Nuuca Gaariga waxa ay saraakiishu ku sheegeen (Toyota Dyna) oo lasoo mariyay dhulka beeraha ah ee u dhaxeeya wadada isku xirta labada Shabeelle gaar ahaan walamooy & daniga oo wabiga u jirta 3-KM.

Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay deegaanno dhaca Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, ujeedka waxa ay saraakiisha howlgalkaas hoggaamineysa ku sheegeen kahortagga weerarada Al-Shabaab.

Warbixinta Militariga Soomaaliya ee howlgalkaas waxaa lagu sheegay in ay dileen u qaabilsanihii Al-Shabaab deegaanka Basro Ismaaciil Siidoow iyo saddex ilaalo u ahayd oo la socotay.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More