DFS oo sheegtay in ay 4-ruux kasoo badbaadisay Diyaarad ku dhacday Garoonka Aadan Cadde!

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay cilad ku timid Diyaarad nuuca xamuulka ah oo ku dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay badbaadisay 4-ruux oo la socday diyaarad ku dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo dhaawacyo fudfudud soo gaaray.

Sababta Dhicitaanka Diyaaradda keentay ayuu ku sheegay kadib markii Diyaaraddaan oo xamuul ka qaaday Muqdisho kuna socotay Magaalada Baladweyne ay soo wajahday Cilad ku qasabtay in ay dib ugu soo laabato Aadan Cadde.

“Diyaaradda oo Xamuul ka qaaday Muqdisho kuna socotay Baladweyne ayuu duuliyuhu nagu soo wargeliyay in ay cilad soo wajahday, isla markaana dib ugu soo laabanayo Garoonka Aadan Cadde, markii ay soo caga-dhigatay ayuu duuliyuhu xakameyn waayay oo dhabbaha ayuu ka baxay, waxaana ay ku dhacday darbiga Garoonka” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa intaa ku daray in haatan la daweynayo duulliyaha iyo caawiyaashii la socday ee laga soo badbaadiyay Diyaaradda Xamuulka ah ee nuuceedu yahay 5Y-MHT.

“Diyaaraddu waxa ay afka ku dhufsatay Darbiga Garoonka, khasaare muuqdo ayaa soo gaaray, waxaana wali la qiimeynayaa inta uu gaarsiisan yahay, Muddo ayaan xannibnay duullimaadka Garoonka, waana muddada ay socotay howsha lagu badbaadinayay Howlwadeenada Diyaaradda, balse dib ayaan u fasaxnay” ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada XFS.

Shilalka Diyaaradaha oo sababsaday cilado kala duwan ayaa sanadkaan kusoo kordhay Soomaaliya, mas’uuliyadda ugu weyn waxa ay Dowladda dusha ka saartaa Duulliyaasha oo mararka qaar xakameyn waaya.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More