Xildhiban Jeesow oo shaaciyey inuu tegay xarunta NISA

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan labo toddobaad la la’yahay, ayaa codsi u diray bulshada iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, isagoo ka dalbaday in si wadajir ah looga qeyb qaato baadi goobka Ikraan oo nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Xildhibaan Jeesow oo tilmaamay inuu yahay mudanaha baarlamaanka ku metela Ikraan Tahliil ayaa sheegay in looga wacay xarunta taliska hey’adda NISA, islamarkaana la tusay muuqaal muujinaya gaarigii ay raacday Ikraan, markii cid ugu war dambeysay.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in la aqoonsaday gaariga ay raacday Gabadha maqan, kaas oo laga lahaa taliska NISA, islamarkaana ay socdaan baaritaano ku saabsan sidii loo ogaan lahaa halka lala aaday gabadha.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in la joojiyo wararka aan xaqiiqada aheyn ee baraha bulshada lagu faafinayo, islamarkaana cidii xog ka heysa gabadhaas ay asaga si gaar ah ula soo wadaagto.

Xildhibaanka ayaa soo bandhigay lambarka taleefankiisa ee lagala soo xariiri karo, waxuuna bulshada ka codsaday inay la soo xariirto cidii war ka heysa Ikraan nolol iyo geeri.

“Waxaan ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan cidii wax macluumaad ah ka heysa meesha ay ku sugan tahay gabadhaas, in anigoo ah Adeerkeed, Xildhibaankeeda, ay ila soo xariirto, arrintaan waa na xanuujineysaa naga daaya wararka aan saxda aheyn, gaar iila soo xariira xataa hadii wax la qarinaayo ay jiraan ila soo wadaaga aniga,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More