Booliiska Baladweyne oo qabtay Qamri loo waday Muqdisho! –

Taliska Booliiska Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay qabteen Qamri lagu raray mid kamid ah Gawaarida ka dhex shaqeeya Gobollada Hiiraan & Banaadir, isla markaana loo waday Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in Qamrigaan laga keenay dhanka Itoobiya, laguna soo qariyay Xaaqinnada laga sameeyo Baarka si aan loo dareemin ama looga shakin sida ay hadalka u dhigeen.

Kontoroolka lagu qabtay Qamrigaan iyo qofkii waday waa Horseed, Taliyaha Saldhigga Booliiska Magaalada Baladweyne Labo xiddigle Maxamed Maxamuud Rooble ayaa sheegay in ay xireen Gaariga & Qamriga oo gaaraya 8-kartoon iyo shan dhalo.

“Ciidamada ammaanka ayaa qabtay qof watay Qamrigaan laga keenay Itoobiya oo loo waday Muqdisho, gaari nuuca Hartoob ah (Land Cruiser) ayaa la saaray waxaana lagu dhex qariyay saddex boqol oo xaaqin nuuca laga sameeyo Baarka” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Saldhigga Booliiska Baladweyne.

Labo xiddigle Maxamed Maxamuud Rooble Taliyaha Saldhigga Booliiska Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay wadaan dabagal dheeraad ah, si ay uga gungaaraan shaqsiyaad kale oo ku howlan falalkaan.

“Hay’adaha ammaanka ayaa wada baaritaanno la xiriira shaqsiyaad kale oo lagu tuhmayo in ay ku lug leeyihiin walxaha maanka-dooriya sida qamriga, dalab sare ayaa Qamrigaan lagu keenay, gaarigaan aan qabanay meel dhexe ayaa laga soo saaray” ayuu markale yiri Taliyaha Saldhigga Booliiska Baladweyne.

Laamaha ammaanka heer Federaal & heer Dowlad Goboleed ayaa wada howlgal ka dhan ah walxaha maanka-dooriya sida Qamriga oo maalmihii lasoo dhaafay lagu qabtay Muqdisho, Hir-Shabeelle, Puntland & Koofur Galbeed.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More