Khanyisile NgcoboJohannesburgJimco Luulyo 24, 2026
Xatooyadii 2020 ee lacag caddaan ah oo tiro badan laga xaday beerta gaarka ah ee Ramaphosa ayaa weli hadheynaysa madaxtinnimadiisa
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa helay amar maxkamadeed oo si ku-meel-gaar ah u hakiyay baaritaan baarlamaani ah oo lagu go’aaminayo in xil-ka-qaadis lagu sameeyo iyo in kale, sababo la xiriira muranka sida weyn loogu yaqaan fadeexadda “Farmgate”.
Guddi madax-bannaan ayaa 2022 ku soo gabagabeeyay in Ramaphosa laga yaabo inuu leeyahay eedeymo ay tahay inuu ka jawaabo, kaddib markii tuugo ay lacag caddaan ah oo aad u badan, oo lagu qariyay gudaha kursi fadhiga ah, ka xadeen beertiisa gaarka ah. Madaxweynaha ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.
Xildhibaannadu xilligaas waxay u codeeyeen inaan la bilaabin baaritaan xil-ka-qaadis ah. Hase yeeshee bishii May, Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa go’aamisay in baarlamaanku si sharci-darro ah u dhaqmay markii uu dhinac iska dhigay warbixintii guddiga.
Ramaphosa wuxuu si gaar ah u doonayaa in la laalo natiijooyinkii guddiga, kiis loo qorsheeyay in la dhageysto bisha Sebtembar.
Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah ee bishii May ayaa baarlamaanka u furay waddada uu dib ugu bilaabi karo hannaanka xil-ka-qaadista.
Isu-dheellitirka siyaasadeed ee baarlamaanka ayaa si weyn isu beddelay afartii sano ee la soo dhaafay. Xisbiga African National Congress (ANC) ee Ramaphosa ayaa lumiyay aqlabiyaddiisii doorashadii 2024, wuxuuna hadda dalka ku maamulaa isbahaysi.
Kaddib xukunkii Maxkamadda Dastuuriga ah, Ramaphosa wuxuu bilaabay dacwad sharci ah, isaga oo ku dooday in guddigu uu “si qaldan u fahmay waajibaadkiisa, si khaldan u qiimeeyay xogtii la horgeeyay, isla markaana si qaldan u fasiray afarta eedood ee la ii soo jeediyay”.
Jimcihii, garsooraha Maxkamadda Sare ee Western Cape Andre le Grange ayaa ku amray guddiga baarlamaanka inuu hakiyo dhageysiyadiisa “ilaa ay maxkamaddani go’aan ka gaareyso codsiga dib-u-eegista ee codsadaha” — isaga oo ula jeeday dacwadda Ramaphosa uu kaga soo horjeedo guddiga.
Go’aanku wuxuu Ramaphosa siinayaa waqti dheeraad ah, xilli uu doonayo inuu magaciisa ku nadiifiyo maxkamadaha.
Qareennadiisu waxay ku doodeen in haddii guddiga xil-ka-qaadista loo oggolaado inuu sii shaqeeyo ka hor inta aan go’aan laga gaarin kiiska kale, ay taasi sumcaddiisa u geysan karto dhaawac aan laga soo kaban karin.
Saddex garsoore ayaa tixgeliyay codsiga, iyadoo laba ka mid ahi ay u xukumeen madaxweynaha. Sida ku cad xukunka aqlabiyadda, hannaanka xil-ka-qaadistu waa inuu hakad ku sii jiraa ilaa kiiska kale la dhageysto oo go’aan kama-dambeys ah laga gaaro.
Muranka muddada dheer soo jiitamayay wuxuu ka bilowday dhac 2020 ka dhacay beerta gaarka ah ee Ramaphosa ee Phala Phala, gobolka Limpopo.
Tuugo ayaa gudaha u galay hantida, waxayna xadeen ugu yaraan $580,000 (£430,000) oo doollar Maraykan ah, kuwaas oo lagu qariyay kursi fadhiga ah.
Xatooyadu waxay laba sano ka qarsooneyd indhaha dadweynaha, ilaa madaxii hore ee sirdoonka Koonfur Afrika Arthur Fraser uu shaaca ka qaaday, isagoo ku daray gal xogeed culus oo loo gudbiyay booliska.
Fraser, oo xulafo dhow la ah madaxweynihii Ramaphosa ka horreeyay ee Jacob Zuma, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu dhaca ka qariyay booliska iyo hay’adaha canshuuraha labadaba.
Maadaama lacagta la xaday ay ahayd lacag qalaad, dhacdadu waxay sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan suurtagalnimada in lagu xadgudbay sharciyada xakameynta sarifka lacagaha.
Ramaphosa wuxuu sheegay in lacagtu ay ka timid iibinta gisiyaal.
Bayaan la soo saaray wax yar kaddib go’aankii Jimcaha, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu la socdo xukunka maxkamadda isla markaana uu “ixtiraamayo”.
Xukunku wuxuu dhaliyay jawaabo aad u kala duwan oo ka yimid dhinacyada siyaasadda Koonfur Afrika.
Democratic Alliance, oo ah xisbiga labaad ee ugu weyn isbahaysiga talada haya, ayaa sheegay in natiijadu aysan ahayn mid lama filaan ah, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay inaysan “guddiga ka hor istaageyn inuu sii wado [shaqada] diyaarinta”.
uMkhonto weSizwe (MK), oo ah xisbiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Zuma, ayaa Ramaphosa ku eedeeyay inuu maxkamadaha u adeegsanayo xannibidda hannaan loogu talagalay in lagu ogaado wixii ka dhacay beertiisa gaarka ah.
Dhanka kale, ANC ayaa soo dhaweeyay xukunka, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada kale inay “ka waantoobaan marin-habaabinta dano siyaasadeed ku dhisan” inta hannaanka sharci uu socdo.
Warbixin dheeraad ah waxaa Johannesburg ka soo dirtay Pumza Fihlani







