Taliye Xijaar oo qiimeyn Amni ku sameeyay xarun loo
S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya & saraakiil la socotay ayaa kormeer qiimeyn amni ku sameeyay xarun ku taalla Garoowe oo loo diyaariyay doorashada Kuraasta BFS ee 20/21.
Taliye Xijaar ayaa la kulmay saraakiisha lagu wareejiyay ammaanka Xaruntaan, waxa uu ka dhageystay Warbixin la xiriirta shaqada ay hayaan, tirada Askarta ku sugan & agabka ay ku howlgalaan.
Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa bogaadiyay howsha ay hayaan ciidamada ammaanka DG Puntland gaar ahaan kuwa gacanta ku haya xarunta loo diyaariyay martigelinta Doorashada Golaha Shacabka BFS.
Qorshaha ayaa ah in Taliye Xijaar uu tago Gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo qaybta labaad kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee dhanka Puntland laga soo dooranayo 20/21 lagu qabnayo.
Sidoo kale waxa uu tagayaa Xerada Ciidanka Booliiska ee Carmo, waxaana tababar uu usoo xiraa saraakiil & askar katirsan Ciidamada Booliiska DG Puntland oo bilooyinkii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayay xeradaas.
Mas’uuliyadda ugu weyn ee sugidda amniga Degmooyinka loo asteeyay in lagu qabto Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya 20/21 waxa ay ku dhaceysaa Taliyaha Ciidanka Booliiska, waxa uu kaashanayaa Laamaha ammaanka Dowlad Goboleedyada & Booliiska AMISOM.
Axadle