Skip to content
Sunday, September 6, 2026 23 Rabi al-Awwal 1448 AH Dhuhr 11:57
Muqdisho 26°C
Breaking: Kremlin Calls Ukraine Talks With U.S. Envoys “Useful”
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

DFS oo sheegtay in ay dishay saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

War kasoo baxay DFS ayaa lagu sheegay in Ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobollada Shabeelaha Hoose & Jubada Dhexe ay dileen saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Warka Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaan ka dhacay labadaan Gobol ee kala hoostaga DG Koofur Galbeed & Jubbaland uu ahaa mid qorsheysan isla markaana ciidanka fuliyay feejignaan muujiyeen.

- Advertisement -

Howlgalka Shabeelaha Hoose waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan 44 KM dhanka Waqooyi uga jiheysan Magaalada Wanlaweyn, waxaana fuliyay ururka 4-aad ee guutada 16-aad ee kumandooska danab iyo Ururka 64-aad ee Guutada 7aad Qaybta 60-aad CXDS.

Guulaha Dowladda ka sheegay waxaa kamid ah in ay burburisay goobo Al-Shabaab lacag ku qaadeysay & askarta oo gacanta ku dhigtay Mootooyin ay tilmaameen in Shabaab u adeegsanayeen Miinooyinka.

Dhanka Jubada Dhexe, Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in howlgal ka dhacay lagu dilay sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan Warbaahinta oo magaciisa ku sheegtay Cabdullaahi Cismaan Dhega-Cade.

DFS ayaa kordhisay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada Dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday Gobollada Shabeelaha Hoose & Shabeelaha Dhexe.

Axadle