Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 26°C
Breaking: Mudulood Clan Elders Apologize for Killing SNA Soldier in Middle Shabelle
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo maanta dhageysanaya

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa shalay aqoonsi siiyay 6-Musharax oo u kala tartamaya qabashada Guddoomiyaha & ku xigeennada Baarlamaanka maamulkaas.

Musharixiinta ayaa min labo ugu tartameysa Guddoomiyaha, ku xigeenka 1-aad & 2-aad, saacadihii lasoo dhaafay Jowhar ayay ka wadeen kulamo siyaasadeedyo & kala xod-xodashada Xildhibaannada si ay usoo kala jiitaan Baarlamaanka ay ku haminayaan in ay guddoomiyaan.

- Advertisement -

5-kamid ah waa rag, halka hal haweeney oo kaliya ay ku jirto, waana Xildhibaan Canab Axmed Ciise oo u tartameysa kursiga Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Hir-Shabeelle oo ay ku fadhisay 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) ayaa ku loolamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, midkood ayaa qabanaya Xilkaas, maadaama kaliya labadooda ay ku tartamayaan.

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji MaxamedXildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir)

Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame & Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle waxa ay isu diiwaangeliyeen qabashada jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee DG Hir-Shabeelle.

Xildhibaan Saadaq Salaad WarsameXildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxaa ku loolamaya Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan & Xildhiban Canab Axmed Ciise oo kursigaan ku fadhisay 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Xildhibaan Mahad Xasan CusmaanXildhibaan Canab Axmed Ciise

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes