“Shuruucda la meelmarinayo waxa ay marqaati ka tahay shaqada

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhiirageliyay shuruucda ka gudubta Golihiisa Wasiirada, Baarlamaanka uu ansixiyo, kadibna dib loogu soo celiyo si uu saxiixo.

Qoor-Qoor ayaa howshaas ku tilmaamay mid muujineysa wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug & shaqada socota ee lagu saldhigayo shuruucda kala duwan ee loo baahan yahay in wax laga qabto.

Hogaamiyaha DG Galmudug ayaa sheegay in shuruucda uu saxiixay ay muhiim u yihiin maamulkiisa xiligaan waxaana ay kala yihiin: Shariga Maareynta Deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga Dhismaha Booliiska iyo Sharciga Dowalaha Hoose.

“Shuruucda la meelmarinayo waxa ay marqaati ka tahay shaqada socota & sida ay isugu wada xiran yihiin Fulinta iyo xeer dejinta, waa waxyaabaha la isku xisaabin karo marka la doonayo in la is dabagalo” ayuu yiri Hogaamiye Qoor-Qoor.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey wasaaradaha kala ah: Deegaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha& Dowlaha hoose, halka fadhiyada ugu horeeyo ee Wasiirada & Baarlamaanka loo gudbinayo shuruuc kale oo diyaarsan.

Hogaamiyaha Galmudug ayaa dhanka kale ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta Wasiirada & Baarlamaanka, iyada oo dhinac waliba uu u hoggaansamayo qodobada dastuuriga ah iyo shuruuc kale ee lagu heshiiyay.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More