Maamulka Gobolka Banaadir maka soo baxay mas’uuliyadda
Waddooyinka Magaalada Muqdisho waxa ay intooda badan noqdeen biyo degeen kadib markii ay fadhiisatay biyaha roobka xalay ka da’ay Caasimadda, waxaana maanta adag isu socodka waddooyinka waaweyn & kuwa xaafadaha.
Wadayaasha gaadiidka ayaa ka wareeganaya waddooyinka Biyo Degeenka ah, maadaama Godad waaweyn ay ka qodon yihiin, suuragalna ay tahay in Gaadiidku ku rogmado ama cilad kusoo gaarto.
Inta badan waddooyinka Muqdisho oo ay ku yar yihiin Gaadiidka waxaa lugeynaya (Cagahooda maalaya) Arday, Dad shaqo u socda & shaqsiyaadka kale ee usoo baxay in ay gaaraan danahooda gaarka ah.
Wadada Warshadaha gaar ahaan Ifka Xalane.
Xaafadaha qaar waxaa ku rogmaday Daadad, waddooyinka waaweyn sida Warshadaha, Soddonka, Wadnaha & Maka Al-Mukarama ayaa ka go’ay qaybo kamid ah, sabab la xiriirta biyaha roobka oo fadhiistay.
Qoysaska kasoo barakacay Gobollada dalka ee degen aqallada aan awoodda lahayn ee ka sameysan Baakadaha, Bacaha & Tiirarka jilcan dhankooda waxa ay sheegeen in uu saameyn taban ku yeeshay Roobka.
Waxaa la isweydiinayaa doorka Gobolka Banaadir, maadaama Gaadiidka, Ganacsatada iyo xitaa xaafadaha laga qaado canshuur sababta ay u heli la’ yihiin badalka lacagta ay dhiibaan oo ah in loo hagaajiyo waddooyinka xiran oo marwaliba oo roobka da’o go’o.
Guddoomiye ku xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi
Guddoomiye ku xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi ayaa tagay qaar kamid ah Xaafadaha & waddooyinka Muqdisho oo uu saameeyay Roobka, balse waxa uu kusoo koobay hadalkiisa in dadka isku gurmado.
Haddaba, Maamulka Gobolka Banaadir maka soo baxay mas’uuliyadda hagaajinta waddooyinka Caasimadda?
Axadle