Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 26°C
Breaking: Somali Region President Criticizes Claims of Exclusive Ownership Over Past Struggles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka ee maanta? –

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa loo diray Ajendaha kulankooda maanta oo Isniin ah kuna beegan 02/11/2020, waana laba qodob oo aqrin & dood ku geliyeen kalfadhigii 7-aad ee usoo idlaaday todobaadkii tagay.

Mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa maanta horyaalla:

- Advertisement -

Aqrinta 3-aad & u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda oo dood badan ka keeneen xildhibaannada qaar, maadaama Hindisahaan uu muhiiml u yahay keydinta xogta muwadinta.
Aqrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya oo mudanayaal katirsan Golaha Shacabka BFS Dhaliileen sida loo hagayo, isla markaana su’aal geliyay qaabka loo bixinayo aqoonsiga safarka.

Golaha Shacabka ayaa dadejinaya ajendayaal kala duwan oo horyaalla, guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in shuruucdaan muhiim ay u yihiin meel-marintooda kahor inta aan la guda-gelin doorashada 20/21.

Waa fadhigii 3-aad oo ay Xildhibaannadu ka yeeshaan Kalfadhigooda 8-aad oo si toos ah u furmay Isniintii Todobaadkii hore oo ku beegneed 26-ka Oktoobar 2020, maalin kadib Ansixinta Xukuumadda Raysul Wasaare Rooble.

Axadle

How do you rate this story?

0 votes