Nairobi (Axadle) – Xafsa Maxamed Luqmaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo 23 jir ah, oo dhowaan lagu waayey xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo badbaadiyey booliska magaalada Kayole, oo lagu haystay.
Xafsa oo ku nooleyd Xaafada California Estate ee magaalada Nairobi, waxaana sida la xaqiijiyey la afduubtay Maalintii Talaadada aheyd oo ay taariikhda ku beegneyd 15-ka June 2021.
Waxaa laga soo badbaadiyay guri cidlo ah oo ku yaal Matopeni oo ka tirsan xaafadda isku raranta ah ee Kayole ee magaalada Nairobi,…