Jubaland oo tallaabo hor leh u qaaday doorashada aqalka sare…

Kismaayo (Axadle) – Guddoonka Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubaland, ee la filayo inay daba-yaaqada bishan ka billaabato Kismaayo. Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka…

Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay Muqdisho – …

Muqdisho (Axadle) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay ugu yarana illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, xilli ay ku sugnaayeen bar-control oo ku taalla degmada Dayniile ee…

Kuuriyada Koonfureed oo ciidankeeda kala baxayso xeebaha Soo…

Seoul (Axadle) – Wasaaradda Gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed ayaa shaacisay in ciidamdeeda badda ee la dagaalama kooxaha burcadbadeeda ay kala baxayso xeebaha Soomaaliya, kadib markii qaar ka mid ah askarta laga helay Covid-19. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Koofurta Kuuriya ee YONHAB  300 oo askari oo saaran Markabka wax burburiya ee The Great ayaa 80 ka mid ah lagu arkay calaamadaha xanuunka, taas oo keentay in xaalad adag ay…

Puntland oo shaacisay inay saraakiil ajaaniib ah iyo kuwa So…

Garoowe (Axadle) – Dowlad goboleedka Puntlnad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Sarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegay in howl-galkii ugu dambeeyey oo ka dhacay deegaanka Balidhihin lagu dilay xubno Daacish ah, kadib dagaal ka dhacay halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha la khaarijiyey ay kooxda…

Maskaxdii ka Dambeysay dilka Madaxweynihii Haiti oo la shaaca laga qaadey

Port-au-Prince (Axadle) – Taliyaha booliska Colombiya ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise. Sarkaal horay uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yirahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xirayo. Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka…

Xoogaga Danab oo howl-gal qorsheysan ku dilay Nuux Dhagool…

Afgooye (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howl-galkan oo uu horkacayey ku simaha taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa waxaa si gaara looga fuliyey deegaanka Caliyoow Boorow ee gobolkaasi, halkaas ay ku sugnaayeen Xoogaga kooxda Al-Shabaab. Ku simaha taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in…

Xildhiban Jeesow oo shaaciyey inuu tegay xarunta NISA

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan labo toddobaad la la’yahay, ayaa codsi u diray bulshada iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, isagoo ka dalbaday in si wadajir ah looga qeyb qaato baadi goobka Ikraan oo nolol iyo geeri lagu la’yahay. Xildhibaan Jeesow oo tilmaamay inuu yahay mudanaha baarlamaanka ku metela Ikraan Tahliil ayaa sheegay in looga wacay xarunta taliska hey’adda NISA,…

Sacuudiga oo wax ka beddel lama filaan ah ku sameeyay shuruu…

Riyadh (Caasimad Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa wax ka bedel cusub ku sameeysay shuruucdii adkeyd ee xirista dukaamada iyo goobaha ganacsiga xiliga Salaadda, oo aheyd shan jeer maalintii. Sida uu baahiyey wargeys caan ah oo xiriir dhow la leh dowladda oo ay soo xigatay Reuters, Sacuudiga ayaa dabcinaya shuruucdaas, ayada oo xiligaas sii furnaan karaan ganacsiyada, islamarkaana laga dukaameysan karo. Tallaabadan ayaa qeyb ka noqoneyso…

Mustafa Cagjar oo qormo yaab leh ka qoray dagaalka Dowladda …

Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay. Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u…

Sanbaloolshe oo bixiyey xog aan horey loo ogeyn oo ku saaban…

Muqdisho (Axadle) – Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Dr. Tahliil Faarax oo la’layahay muddo ku siman 18-maalmood. Sanbaloolshe ayaa sheegay in Ikraan Tahliil ay kusoo biirtay NISA xiligii uu madaxda ka ahaa, oo asaga uu gacantiisa ku qoray, islamarkaana ay aheyd xubin fir-fircoon oo ka tirsan hay’addaas. Waxa uu sheegay in tuhunka maqnaanshaha Ikraan marka uu dhinac kasta ka eegay uu ku aroorayo hay’adda Nabad-sugida…